Gar-Adag: Meherado La Boobay Iyo Beero La Gubay

0
958

Gar-adag(Geeska)-  Meherado ganacsi   oo ku yaal gudaha magaalada Gar-adag ,ayaa wararku sheegayaan in la boobay hantidii hoos tiilay,sidoo  kalena la gubay beero ku yaal duleedka magaaladaas.

1

Sida ay werisay shabakadda Togdheer News, wararku  waxay intaas ku darayaan in  goobaha la boobay iyo  beeraha la gubay ay leeyihiin  mid ka mida labadii beelood ee dhowaan collaadu ku dhex maray.

Qaar ka mida Odayaasha degaankaas oo ka xumaaday talaabadan ayaa la sheegay  inay xidheen ilaa labaataneeyo qof oo la sheegay inay arintan lug ku lahaayeen balse  wararka  ka imanayaa degaankaas waxay  tibaaxayaan in xataa dadkii meheradahooda ganacsi la boobay  la xidhay. Ma jirto  ilaa hada masuuliyiin dawladeed ooka hadashay araintan foosha xun leh, waxayna ku soo beegmaysaa wakhti  uu magaalada Celefweyn ku sygan yahay Wasiir u dawlaha arimaha gudaha Somaliland.