Ganacsiga Dharka Ay Dumarku Xidhaan Ee Loo Yaqaan (Shiidka) W. Q: Xamda Yuusuf Aadan

0
862

Tan iyo intii wadanka lagusoo noqday waxaa si tartiib-tartiib u soo kobcayay ganacsiga iyo baayacmushtarka, oo door muhiima ka qaatay dib u dhiska wadanka iyo koboca dhaqaalaha, gaar ahaana waxaa si wayn u hanaqaaday ganacsiyadda yar-yar oo si fudud muwaadiniintu u hirgalin karaan dhaqaale badana aan u baahnayn in lagu abuuro, ganacsiyadaa yar yar waxaa si wayn uga dhex muuqda ganacsiyada ay abuuraan dumarku, oo kaalin laxaadle kaga jira dhaqaalaha qoyska soomaaliyeed.

1

Haddaba guud ahaan waxaa lagu qiyaasaa dumarka ku nool wadanka 60%, dumarkan badidoodu maaha qaar wax bartay iyaddoo ay sanababtay qoddobada ay ka mid yihiin dhaqaale la’aan iyo bulshadeena oo aan had iyo goor dhiirigalin inay dumarka fursad u siiyaan inay dugsiyada aadan marka loo eego fursadaha raga, si hadda dumarku wax soo saar dhaqaale u sameeyaan waxay qayb libaax ka ciyaareen inay u jeestaan dhinaca ganacsiga yar yar, iyagoo masruufaya ubadkooda iyo qoykoodaba, waxaana la odhankaraaba dumarku waxay laf-dhabar dhaqaale maanta u yihiin qoyska soomaaliyeed, maadaama ay jiraan dumar badan oo u kalaha sidii ay shaqooyin kala duwan oo dhinaca ganacsiga ah, si ay nolol maalmeedka iyo dhaqaalaha qoyskaba u dabaraan kadib markii rag badan ay food saartay camal la’aan, inbadan oo raga kamid ahina ay ka gaabiyeen masuuliya qoyska ee dhinaca dhaqaalaha, waxaa iyana jirta hooyooyin badan oo haysta ubad agoona oo aabohood geeriyooday oo aan haysan cid kale oo ka kafaala qaada dhaqaalaha qoyska sidaa daraadeedna gunta dhiisha iskaga dhigay sidii ay masruufilahaayeen ubadkooda.  Haddaba haddii aad u kuurgasho dumarkan ganacsatada ah dhaqaalohooda waxaad ogaanaysaa inay guud ahaanba dabaraan nolosha qoyska gaar ahaan nolosha aas-aasiga ah ee ay kamidka yihiin nolo maalmeedka, lacagta waxbarashada ubadka, caafimaadka, iyo waliba qaarkood oo bixiya kirada guryaha ay ku noolyihiin.

Haddaba ganacsiga ayaa noqday mihnadda ugu balaadhan ee ay dumarka Soomaalidu gacanta ku haysay 25-kii sanno ee la soo dhaafay. Dumarka inkastoo aysan ahayn maal-qabeenno iyo ganacsato waaweyn oo muuqda, balse haddana waxaa jira door ay ku leeyihiin ganacisga

Shan iyo labaatankii sanee u danbeeyay dalkan jamuuriyada somaliland waxa ku soo badanaya gacansiyada yar yare ee haweenku abuuraan kuwaas oo ay ka mid yihiin gancasiga iibinta dharka ay dumarku xidhaan ee loo yaqaan shiidka .

Runtii ganacisga shiidka iibintiisa intiisa badan waxa iibiya dumarka dajintiisa laakiin kuma badana sababa dhaqaale awgeed waayo dumarka iyo ragu kama sina xaga dhaqaalaha oo ma jiraan badiba dumar leh ganacsiyo waawayn sida raga oo kale taasi waxay sababtay in dumarku ay ka shaqeeyaan badiba ganacsiyada yar yar kuwaas oo ay ku biiliyaan guryahooda .

Hadaba waa maxay sababta ay dumarka intooda badina ay u door bidaan ganacsigan? Waxa ii sheegeen in sababtu ay tahay marka hore waa dhar dumar, marka xigana waa shaqo lagu qabto fadhiga inta badan dumarku ma door bidaan shaqada socodka badan ama taagnida badan sidoo kalana waxa ay ii sheegeen in dumarku ay is urursadaan oo ay hal bakhaar wada kiraystaan si ay u qaybsadaan lacagta kirada oo aanay mid kaliya awoodin inay iska bixiso ,isla markaa ay qaybsadaan  laydhka iyo biyaha iyo wixii kharasha ee ku soo kordha sidoo kalana waxay dumarkaasi iska caawiyaan in hadba gabadhii maqan loo sii iibiyo alaabteeda

Hadaba dumarkaa iibiya shiidka waxa  ka soo saaray guryahoodii sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin dumar raba in ay iskood ganacsi u samaystaan oo raba in ay dhaqaale fiican ku kordhiyaan guryahooda, dumar ay saamaysay shaqa la’aanta baahsan ee wadanka ka jirtaa oo ragoodii ay bilaa camal yihiin kadibna u xoogsi tagay ubadkoodii, dumar ay ka masuula qoysaskooda oo ay ka baxeen aabayaashii qoyskooda masuuliyadiisa qaaddi lahaa taasina ay dhaxal siisay in dumar badani ay gurya hoodii ka soo baxaan si ay u kafeeyaan ubadkay dhaleen iyo naftoodaba

Dharka oo loo habeeyo loona naqshadeeyo si casri waa xirfad ka turjumaysa  in dumarka somaaliyeed ay leeyihiin xirfad ay wax ku nashqadayn karaan hab casriya hadaba dumarka shiidka iibiya qaarkood waxay nashqadeeyaan shiidka ay iibinayaan laftarkiisa oo ay u nashqadeeyaan sida ugu quruxda badan ee ay dumarkuna u iibsan lahaayeen samaynta dharka somaliland lagu sameeyo waxa lagaga maarmi karaa dharka dibada laga keeno sidoo kalana wax soo saarka dalka  gudihiisa waxa lagu gaadhaa isku filnaasho iyo horumar

Dumarka shiidka iibiyaa waxay u iibiyaan noocyo badan oo ay ka mid yihiin hab jilmad ah, tafaariiq iyo sidoo kale hab ay u yaqaanaan hafto oo inta dumarka  dharka guryaha loogu geeyo hadana lacagta maalinba inta ay iska bixin karaan laga soo qaado .

Walaw ay dumarkaa dharka iibiya ay caqabado bada haystaan oo ay ka mid yihiin inaanay dawlada ka helin kab dhaqaale , iyo sidoo kale in aanay dayn qaadan Karin hadiiba ay is yidhaahdaan qaatana ay ku adkaanayso ama caqabad adag oo aanay maarayn Karin kala kulmayso hadana, marka ay dayni ku go’odana aanay haysan cid la maaraynaysaa sidoo kalana ay aqoontooda ay ku xisaabin lahaayeen dhaqaalaha soo gala ay aad ugu adag tahay intooda badan maadaama aanay badiba dumarka shiidka iibiyaa aanay aqoon u lahayan sida loo ogaado faaiidada iyo khasaaraha ka soo galay alaabtooda,  laakiin waxa ay ii sheegeen in ay ku qanacsan yihiin oo noloshooda  aasaasiga ah uu kafayn karo iibinta ganacigani

Guntii iyo gabo gabadii maqaalkan dumarka shiidka iibiyaa waa ganacsi lagu faa’iido laguna khasaaro laakiin waxa ku xidhan tahay hada ba dharka ay keenaan  nashqadiisa sida ay uga hesho bulshadu.