Ganacsato u Dhashay Wadanka Shiinaha Oo Booqday Magaalada Burco

0
1034

 

burco (1)Burco(Geeska)-Ganacsato u dhashay wadanka Shiinaha oo danaynaya inay maal gashadaan Somaliland ayaa shalay booqday magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-dheer, waxaanay soo indho indheeyeen fursadaha dhaqaale iyo waxsoosaar ee gobolkaasi.

Ganacsatadan oo ka kooban 9 xubnood waxay ka tageen  magaalada Hargeysa waxaanay maanta Magaalada Burco kun qaabilay Badhasaabka Gobolka Togdheer Yaasiin Maxamed Cabdi oo sheegay in maamulka gobolkaasi ay soo dhaweynayaan cid kasta oo maalgashi ku samaynaysa gobolka. Waxaanu xusay inay booqan karaan meel kasta oo ay u baahdaan.

Weftigan ganacsatada ahi waxay booqdeen warshadaha Biyaha ee Maaxda, Warshada Saabuunta ee ILAYS iyo warshada hilibka ee magaalada Burco.Waxa kale oo ay soo mareen suuqyada magaalada Burco .

Weftigani waxay sheegeen in socdaalkoodu la xidhiidhay inay darsaan xaalada nabadgelyo iyo dhaqaale ee magaalada Burco ee gobolka Togdheer si ay mustaqbalka uga fuliyaan mashaariic ay ku maal gelinayaan.
Waxay sheegeen inay la dhaceen xaalada nabadgelyo iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee ka socda magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer