Ganacsade Cumar Caydiid Oo Xorriyadiisa Dib U Helay

0
564

Hargeysa(Geeska)-Dawadda Somaliland ayaa shalay xorriyadiisa u soo celisay ganacsade Cumar Caydiid, ka dib afar maalmood oo uu xidhnaa,.

1111111111111

Cumar Caydiid Axmed wuxuu BBC-da u sheegay in sii dayntiisu ka danbaysay markii qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Somaliland soo dhex galeen inay iyagu la wareegaan xallinta muran la xidhiidhay dhulka golihii murtida iyo madadaalada ee Hargeysa (National Theater ) oo isagu maalgashaday .wuxuuna u mahadnaqay cid kasta ayuu yidhi oo ka damqatay xadhigiisa .

wax war ah xukuumadu kama soo saarin sii daynta ganacsade Cumar Caydiid Axmed, waxase ay wasaaradda arrimaha guduhu hore u sheegtay in loo xidhay arrimo dhinaca nabadgelyada la xidhiidha.