Ganacsade Cali Cumar Oo Uga Mahadceliyay Shacabka Somaliland Farriimo Ducooyin Ah Oo Ay U Direen

0
388

Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Cumar Xasan Guuleed, ayaa ka mahadceliyay farriimo duco ah oo hawada loo soo mariyay mudadii uu dalka dibadiisa ugu maqnaa xaaladda Caafimaad.

Cali Cumar, ayaa dhawaan xaalad caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa, waxaanu dhawaan ku soo laabtay magaalada Hargeysa, isagoo guud ahaan shacabka Somaliland uga mahadceliyay ducada ay u soo direen oo uu Alle aqbalay. “Marka koowaad waxaan u mahadnaqayaa Alle oo SWT igu soo celiyay nabad iyo caafimaad qab, marka xiga waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Biixi, saddexda gole, saddexda xisbi qaran, culimada, ganacsatada, dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland oo mudadii aan maqnaa ii soo dirayay farriimo duco ah. Alle wuu aqbalay ducadii, waanan caafimaad qabaa, waxaanan ku soo noqday Hargeysa.” Ayuu yidhi Cali Cumar oo intaas raaciyay, “Markaas, waxaan guud ahaan umadayda leeyahay Alle ha idinka abaalmariyo ducada aad ii soo dirteen oo uu Alle ii aqbalay.”

Cali Cumar, waxa kale oo uu u mahadceliyay qurbe-joogta oo uu sheegay inay aad u garab istaageen islamarkaana isugu dareen duco iyo booqasho, “Qurbe joogta Somaliland iimay kala hadhin, waanan uga mahadcelinayaa.” Ayuu yidhi Cali Cumar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.