Ganacsade Cali Cumar Guuleed Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka, Baaqna U Diray Golaha Guurtida

0
661

Hargeysa (Geeska)-Ganacsade Cali Cumar  Guuleed, oo ah Mulkiilaha Guuleed Hotel, ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, gaar ahaan Doorashada waxaanu baaq u diray Madaxweynaha, Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

1

Ganacsade  Cali Guuleed oo arintan ka hadlayana waxa uu yidhi “Komishanka Saddexda Xisbi iyo Madaxweynuhu markay is arkeen waxa igu maqaale ah inuu Madaxweynuhu ku celiyey arinkaa Komishanka, waxa  waxa soo galay dad badan oo kale, oo Xaaji Cabdi u horeeyo, Rag badan oo kale Cuqaal, horta waxa la iibsanayaa masiir umaddeed, duruufuhuna  wey taagan yihiin xaalad abaareed, laakiin shacabkani wuxuu helay farta khadka la galinayo oo Dimuqraadiyad la yidhaahdo, taasina waa u muhiim dadka, oo haddii Guurtidii cadaroosh lagu aasaasay ay maanta wali fadhido, oo Barlamaanka kordhiskiisi fadhiyo, tii dawladdaha hoose ay ila tahay in  la kordhinayo ay fadhido,  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxaan filayaa mar walba haddii maalin lagu daro inay isaga  ku tahay fadeexad iyo ceeb.”

Isagoo Cali hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Haddaba Xaaji Cabdi ayaa soo galay, wuxuu sheegay in la kordhinayo muddo aan qiyaas lahayn, isagoo ILLAAHAY talo saartay, oo uu yidhi xaalad abaareed baa jirta, Saleebaana wuu imanayaa ayaa la leeyahay, waar waxa laga hadlayaa waa masiir umaddeed, iyadoo duruuf abaareed jirto, ILLAAHAY ha ka dul qaado, haddana ama Guurti ha noqoto ama Barlamaan ha noqoto ama Siyaasiyiin ha noqoto, waxaad mooda in Siyaasadu marayso waxba la wejicinayaa, Gabay baa jira la yidhaah Wejiciso, Habrahaad wejiciseen laguma weydiin,  geelii wadeecada ku lumay laguma weydiin, Shacbiga ha loo tudho iyo masiirka umadda, oo mar walba wakhti la iibsanayo, Doolarkii wuxuu marayaa sideed kun iyo lix boqol, sideed iyo toba boqol sideed iyo sagaal boqol, muxuu u marayaa, wuxuu u marayaa gurxanka iyo goolaftanka marku dhaco waxa is bedelaya dhaqaalihii dalka, culayskuna wuxuu saaran yahay umaddii, shay qudha ayaa taagan Saddexda Guddoomiye oo ah Saddexda Musharaxa in la kala doorto oo nin walba wuxuu dad iyo dal u qabtay sida uu wax u doonayo loo taageero ama loogu footeeyo iyadoo Xisbigu yahay ka uu dadku raacuun”.

Ganacsade Cumar Cali Guuleed mar uu fariin u diraayey Guddoomiyaha Guurtida ayaa yidhi “Waxaan fariin u dirayaa maanta Guddoomiyihii Guurtida Saleebaan, wuu jooga ayaa la yidhi ILLAAHAY wuu nabad keenay, Xaaji Cabdi oo in badan usha u siday akhirul cimri imikana ah waxay imika maraysa Xaaji Cabdiyoow abti awoow in wax la weydiiyo, waxaan ILLAAHAY ka baryayaa in mawaafaqo ka soo baxdo Saddexda Xisbi, iyadoo dadku leeyihiin masiirka, Ganacsatada waxaad mooda in Siyaasiyiintu ay isku maalin sawaashay, oo qofku wuxuu qabo wax kale ayaa laga yeelayaa.”

Isagoo Cali ka hadlaya ganacsatada, wuxuu soo jeediyay in ganacsatada la ilaashado oo aan lagu samayn sumcad ka dilis, waxaanu yidhi “Waar nin halkan fadhiya oo la yidhaahdo Maxamed Aw Siciid, oo sannadkii 2016 uu ku xidhamay hadalkiisi iyo caydiisi, walina qof ka daba hadlaya wixii laga yidhi maan arag, horta Maxamed Aw Siciid waa nin dalkan u dhashay, waa nin dalka Jabuuti la yidhaahdo waraaqo ka haysta,  waa nin baayac-mushtar ah, waa nin sadaqo badan, Xisbiyadu haddii ay leeyihiin Maxamedoow wax na tar wey ku leeyihiin, laakiin Maxamed wuxuu doonayo inuu yidhaahdo isaga ayaa leh, waxaan odhan lahaa waar iska madhiseen raggiiye oo siyaasadii nin walba waad isku maalin sawaasheene, ee Ganacsadayaasha  xorta ah haddii Koke la soo qaado, waxaan ugu jecelahay quraarad la iibiyo ta Axmed Geele, Telefoona waxaan ugu jecel ahay Cabdikariin Maxamed Iid, biyaha Maaxda weeyaan, haddii qalabka dhismaha la iibsanayo ina gudhane ayaa la tagayaa, haddii sarifle laga hadlayo waa Dahabshiil, waar nimanyahoow Ragga  caynkaas ah ee muuqda ee dalka wax ka taray haddii ceebuun aroor walba la marmariyo qiimo ma laha”