Gaadhi Siday Dad Oromo Ah Oo Ku Dhacay Duleedka Hargeysa, Dhimasho Iyo Dhaawacna Sababy

0
629

Berbera(Geeska)-Wadada isku xidha Magaalada Berbera iyo Hargaysa ayaa waxa ku dhacay Gaadhi Siday dad Oromo ah oo dalka laga saarayay, waxaanu sababay dhimasho iyo dhaawac. Dadkan Oromada ah ee uu la gadoomay gaadhigu ayaa ahaa dad laga soo qab qabtay gobollada bariga Somaliland waxaan loo waday  dhinaca itoobiya.

dddddddd

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ayaa Shabakadda Hadhwanaag News u Xaqiijiyay Gaadhigan ku dhacay inta u dhaxaysa Magaalada hargaysa iyo Berbera, waxaana uu cadeeyay inuu ku dhintay hal askari iyo Hal Qof,waxaana ku dhaawac may 10 qof oo dhaawacoodu aad u liito.

Dadkii dhaawac ahaa ayaa xalay la soo gaadhsiiyay Cusbitaalka Magaalada Hargeysa.