Fuaad Aaden Cade Oo Xukuumadda U Soo Jeediyay Inay Joojiso Shirka Somaliland-diidka Ee Taleex Ka Socda

0
590

Picture7Hargeysa (Geeska)-La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bari Fu’aad Aadan Cadde, oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka  soo jeeda Gobolada Bari ee Somaliland, ayaa ka hadlay Shirka Taleex uga furmay Maamulka Khaatumo, waxaanu tilmaamay in Shirkaasi ka soo horjeedo qadiyada iyo jiritaanka Somaliland, waxaanu Xukuumadda  ugu baaqay inay si deg deg ah oo nabadgeliyo ku jirto u qabto Magaalada Taleex, Shirkaasna u joojiso.

La taliyaha Madaxweynaha ee Gobolada Bari Fu’aad Aadan Cadde, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in dadka reer Taleex yihiin dad jecel dalkooda iyo dadkooda, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyey Ciidamada Qaranka Somaliland ee Gobolada Bari oo uu sheegay inay yihiin Ciidamo akhlaaq wanaagsan leh, oo Bulshadooda  jecel, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay

“Shirkaas lagu qabtay Taleex anagu shaqo kuma lihin,mid aanu rabnana maaha, mid kheyr ka soo baxayana maaha, Shirkan Taleex ka socdaana qadiyada iyo jiritaanka Somaliland ayuu ka horimanayaa, Nabada iyo Wanaaga dadka ayuu ka horimanayaa, wax wanaagsana ka soo bixi mayaan,Ragga Shirkan  wadaana dhib mooye kheyr ma leh,  Ragga wadaana maaha Rag kheyr qaba, oo wanaag u socda,  laakiin waxa aan ogahay in dadka reer Taleex yihiin dad reer Somaliland ah.” Ayuu yidhi Fuaad.

Fu’aad Aadam Cadde oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi “Anigu mar waan farxay, marna waan naxay, mar waan farxay oo waa markii Ciidamada Somaliland ay Taleex galeen, aad iyo aad ayaan u soo dhaweeyey, uguna farxay, madaama ay tageen Magaalada Taleex, laakiin markii ay ka soo baxeen aad iyo aad ayaan u naxay, oo ismaan lahayn wey ka soo baxayaan, waxaana imika Xukuumadda Somaliland ku boorinaya uguna baaqaya inay toos u tagto Magaalada Taleex oo dadkeeda u tagto, oo si Nabadgeliyo ah u tagto, oo Shirkan ka socda joojiso, maxa yeelay Taleex waxa ay ka mid tahay Somaliland, dadka reer Taleexna waa dad reer Somaliland ah, waxaana hubaa in dadka degan halkaasi inay soo dhaweeynayaan Xukuumaddooda Somaliland oo ay u baahan yihiin, Nin dan gaar ah wataana waxba yeeli maayo, waxna u tari Taleex,mana wanaagsana inay Xukuumaddu eegato Shirkaas”.

Fu’aad Aadan Cadde oo ka hadlaya Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa yidhi “Ciidamada Qaranka Somaliland ee jooga Gobolada Beri, waa Ciidamada ugu wanaagsan Aduunka, waa Ciidamo akhlaaq iyo edab leh, waa Ciidamo dadkooda iyo dalkooda  jecel, anigu ilaa iyo Laascanood ayaan hor kacaayey Ciidamada, mahadnaq mooye wax kale lagama sheegin, cid walba oo fikrad khaldan ka aamintana marka ay u tagaan ayey ogadaan inay yihiin Ciidamo aad iyo aad u wanaagsan oo Dadkooda  jecel, wax walba oo jirana wanaag ayey ku dhameeyaan, waxaana Bulshada reer Somaliland iyo Bulshada ku dhaqan Gobolada Bari kula talinaya inay si asluub iyo wanaag ku jiro inay u I ixtiraaman una tixgeliyaan Ciidamada Qaranka”.