FBI-da Oo Su’aalo Weydiisay Hillary Clinton

0
481

Musharaxa xilka Madaxweynaha ee dalka Maraykanka Hillary Clinton ayaa iskeed u hortagtey haya’adda FBI waxaana la weydiiyey su’aalo la xidhiidha e-mailkii ay isticmaashey xiligi ay ahayd Wasiirka.

Hillary Clinton ayaa hore raaligelin uga bixisey in ay isticmaashey e-mailkeeda gaarka ah iyo Server ay si gaar ah u lahayd xiligii ay ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

Baadhitaanka FBI ayaa la xiriira in ay si khaldan u isticmaashey arrimo sir ah, waxaana uu imanaya iyada oo todobaadkii hore la ogaadey in weerarkii Benghazi aan waxba ka ogeyn oo digniin loo soo dirin.

Waraysiga FBI la yeelatey Clinton ayaa gaarayey 3 saac iyo 30 daqiiqo, waxaana uu ahaa mid ku yimid doonitaankeeda.

Hillary Clinton ayaa sugeysa dhamaadka bishan in loo caleema saaro Musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee u tartamaya xilka Madaxweynaha bisha Nofeember, taageerayaasha Bernie Sanders ayaan weli quusan waxayna aaminsan yihiin in Hillary Clinton lagu heli karo denbi taas oo fursad siin karta Sanders.

Ninka sida weyn uga soo horjeeda ee la tartami doona bisha Nofeember Donald Trump ayaa arrinta Emailka ay isticmaashey u ahaa hubka ugu weyn ee uu wax ugu dhimaayo sumcadeeda.