Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa qoraal uu shalay soo saaray wuxuu ku sheegay inuu xilkii ka qaaday masuuliyiin xisbiga ka tirsanaa oo uu ugu horeeyo guddoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga Md. Cali Yuusuf Maxamed (Cali-Gurey), isagoo geesta kalena magacaabay xubno cusub. Xilka uu sheegay inuu Faysal ka qaadya Cali-Gurey, wuxuu ku sheegay inuu ahaa ku meelgaadh.
Afar masuul oo uu Faysal, sheegay inuu xilkii ka qaaday ayaa kala ah:
Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey)
Xuseen Xasan Badmaax, xoghayihii xuquuqal insaanka
Siciid Aamin, guddoomiyihii hore ee qaarada Yurub
Cabdiqaadir Cukaash, xidhiidhiyihii saxaafadda ee UK
Masuuliyiinta kale ee uu magacaabay Faysal, ayaa kal ah:
1. Maxamed Cali Muuse (Jiir), guddoomiye-xigeenka saddexaad
2. Cabdikariim Cali Nuur, la taliyaha guddoomiyaha ee arrimaha bariga
3. Dr. Ismaaciil Axmed Sulub, xoghayaha dhallinyarada iyo ciyaaraha
4. Axmed Xasan (Axmed-quick), xoghayaha fulinta
5. Maxamuud Xandule Warsame (ku-xigeenka xoghayaha golaha dhexe)
6. Maxamed Yuusuf Cilmi, guddoomiyaha qaarada Yurub
7. Farxaan Xuseen Nabadiid, xidhiidhiyaha laamaha UK
Jamaal Cali Xuseen
Jamaal Cali Xuseen, oo ah murashaxa madaxweyne ee UCID, ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheega inaanu Faysal xilka ka qaadi karin Cali-Gurey iyo masuuliyiinta kale ee la darajo ahba. “Faysal Cali Waraabe ma eryi karo guddoomiye-xigeen shir gole dhexe lagu doortay.” ayuu yidhi Jamaal, oo intaas raaciyay “Cali Gurey ma jirto in uu Faysal magacaabay, ee waxa uu Gudoomiye ku xigeenka 3 aad ku noqday heshiiskii Badbaado ee ay wada galeen garabkii UDUB ka soo diga rogtay iyo intii ka hadhay xisbiggii UCID ee xilligaasi burburay. Cali Gurey oo markaasi ahaa raggii ugu waaweynaa ee garabka UDUB ayaa heshiiskaasi darteed xilkaasi ku qaatay ka dibna waxaa ansixiyey golaha dhexe ee xisbigga UCID.”