Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Cali Khaliif

0
538

Picture1Hargeysa(Geeska)-Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa farsamo xumo ku eedeeyay horjoogaha kooxda nabad diidka ah ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh. Waxa uu la yaab ku tilmaamay in ninkaasi Muqdisho ka yimaado oo dagaal ka dhan ah Somaliland kaga baaqo Buuhoodle.

“Horta waa nasiib darro in nin weyn oo dhawr iyo todobaatan jir ah oo waliba tacliin sare oo heer Prof, ah sheeganaya inuu haddana umaddiisii dagaal ugu baaqo aad baan uga xumahay, waanan kala han weynaa arrintaasi, waxaanan u arkaa inay deel qaaf weyn tahay,” ayuu yidhi Eng Faysal oo ka hadlay hadal dhawaan Cali Khaliif ka soo yeedhay.

Eng. Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Reer Buuhoodle uma baahna maanta dagaal ee horumar ayay u baahan yihiin, waxay u baahan yihiin waxbarasho, waxay u baahan yihiin caafimaad, dhaqaale ayay u baahan yihiin, markaa waxaan u arkaa inay Cali Khaliif sharaf darro u tahay, xagga aduun iyo xaq aakhiro toona uguma fiicna.”

Waxa uu Eng Faysal sheegay in bulshada Buuhoodle dib u dhac weyni ku dhacay “Dadka reer Buuhoodle waa dad caqli badan, dib u dhac weyn baa ku dhacay dhawr iyo labaatankaas sannadood ee Somaliland nabada ahayd oo degaannadii la midka ahaa horumarka gaadheen ee inkastoon wadanka la citiraafin haddana wixii loo gayn karayay loo geeyay, marka la barbar dhigo aad bay uga hooseeyaan, aduunkana dhaqaale iyo aqoon baa lagu tartami doonaa, markaa intuu maanta Xamar ka yimaado inuu dadkiisa wanaag ula iman lahaa uu yidhaa qoryaha qaata waa nasiib darro waxayna ku tahay ceeb,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Hadalka Faysal Cali Waraabe, ayaa imanaya iyadoo shalay magaalada Buuhoodle tagay wasiirka caafimaadka Dr Xaglotoosiye oo ujeedkiisu yahay inuu qorshaha Cali Khaliif fashiliyo.