Faysal Cali Waraabe Oo Si Rasmi Ah U Wareejiyay Hawlihii Xisbiga Ucid

0
1318

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa hawlihii xisbiga UCID ku wareejiyay guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbigaas Maxamed Cali Xirsi.

Qoraal uu Faysal soo saaray oo uu u diray guddiga doorashooyinka, wuxuu ku wargeliyay inuu ku koobnaan doono hawlaha doorashada madaxtooyada iyo ololaha, laakiin uu hawlihii xisbiga ku wareejiyay masuulkan. Qoraalka ayaa u qornaa sidan “Waxaan idinku war galinayaa anigoo ah musharaxa madaxweynaha xisbiga Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe in aan Md,Maxamed Macalin Xirsi oo ahaa gudoomiyihii kumeel-gaadhka ahaa ee xisbiga laga bilaabo maalintii taariikhdu ahayd 23/9/2017 uu sii wadaayo hawlaha xisbiga. Sidaas daraadeed waxaan u madax banaanaanayaa hawlaha ollolaha doorashada madaxtooyada oo kaliyaata.”

Geesta kale xisbiga UCID ayaa saaka furaya ololaha xisbiyada qaranka ee doorashada madaxtooyada, waxaana ku xigi doona xisbiga kulmiye, halka uu axadda isna geli doono xisbiga Waddani, ka dib markii ay guddiga doorashadu soo bandhigeen jadwalka ololaha xisbiyada, waxaanu xisbi weliba leeyahay 7 maalmood, guud ahaana wuxuu ololuhu soconayaa 21 maalmood.