Faysal Cali Waraabe Oo Qabtay Shirkii Aan Caadiga Ahayn Ee UCID

0
611

Hargaysa(Geeska)-Shirwaynihii aan caadiga ahayn ee Xisbiga UCID ayaa  shalay si rasmiya uga furmay Adamas Hotel ee Magaalada Hargeysa,  waxaana ka soo qeyb galay Ergooyin isaga kala yimid Gobolada Dalka, Xubnaha Golaha Dhexe, Hogaanka Xisbiga UCID, Masuuliyiin kale oo ka socday axsaabta iyo marti sharaf kale .

1

Gudoomiyayaasha  Gobolada dalka  ee Xisbiga UCID, ayaa iyagu ugu horeyn halkaas ka hadlay waxaanay dhamaantood ka hadleen  dareenkooda ku saabsan Shirwaynahan, iyagoo tilmaamay in Shirwaynahani soo af jari doono khilaafkii muddada soo socday .

Gudoomiye ku xigeenka Kowaad Ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin ayaa isna halkaasi ka hadlay, waxaanu bogaadiyay Xisbiga UCID, isagoo amaan balaadhan  soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID  Faysal Cali Waraabe, oo uu ku tilmaamay inuu yahay shaqsi xogogaal u ah xaalada dalka,   marxaladihii kala duwanaa ee dalkana uu ka soo qayb qaatay.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo isna halkaas ka hadlay ayaa uga waramay maraaxilkii kala duwanaa ee Xisbigu soo maray waxaanu yidhi “Waad og tihiinoow 2012 waxaanu heshiis la galay garabkii ka soo go’ay UDUB, garabka waxa wata Jamaal Cali Xuseen, waanu ognahay in Jamaal Cali Xuseen aanu ku jirin UDUB ee uu ahaa Taageere, wuxuu ka shaqayn jiray Tansaniya, laakiin wuxuu yidhi waan is sharaxaya,wakhtigaasi waxay ahayd wakhtigii la furay ururadoo, oo Doorashadu nagu soo socotay, bakhtiga noo xalaal ahaa, musharaxnimada waxa qoraya xeerka No 14, ee uu Cali Guray u bixiyey shirqool 14, wuxuu qorayaa Ururkii ama Xisbigii ka gudba Doorashooyinka Deegaanka ayaa Musharax yeelanaya, wakhtigaas Musharax sharcigu muu siinayn, laakiin waxaanu nidhi tafadal musharax baad tahaye, xeerku Xisbigu wuxuu dhigayaa in qofka doonaya inuu Mushax noqdo inuu laba sanno xubin ka noqdaa Golaha Dhexe ee Xisbiga,sharciga kale ee dalku  wuxuu qorayaa waa in 45 cisho ka hor la soo gudbiyaa Musharixiinta Axsaabta, waxa kale oo xeer 14 qorayaa”.

Waxa kale oo uu Eng: Faysal Cali Waraabe tilmaamay in aanu Jamaal Cali Xuseen aanu soo bixin shurudihii looga baahna Musharaxnimadiisa, isla markaanu aanu raacin Sharciga Xisbiga.

Dhanka kale wuxuu ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tan iyo wakhtigii uu ku soo biiray Siyaasada, waxaanu tilmaamay inuu dalka daacad u yahay, oo uu wax alaale wixii awoodiisa, kartidiisa iyo aqoontiiisa ah uu u hurayo, waxaanu xusay aanu waligii ku fikirin inuu Somaliya qabto, ama damac ka galo, mawqifkiisuna yahay in Xisbiga UCID taladda dalka qabto, Aqoonsi uu dalku helo.

Ugu dambeyntiina Go’aamadii ka soo baxay Shirwaynihi aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID , oo uu halkaas ka akhriyey Afhayeenka Xisbiga UCID Maxamed Xasan Shabaash ayaa markii codeeyn la galiyey qodobadan ayaa u dhignaa sidan

Maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay 8/11/2016, waxaa soo gabogabeesmay Shirwaynihii Aan caadiga ahayn Ee Xisbiga UCID .

Waxaa ka soo baxay oo lagu go’aamiyay qodobada hoos ku xusan .

1: Shirwaynuhu Wuxuu laalay, heshiiskii qabyada ahaa ee Garabkii Xisbiga UDUB uu la galay Xisbiga UCID, Taariikhdu markay ahayd, 12/7/2012 .

2: Waxaa lagu ansixiyay, wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay Xeerka Xisbiga UCID .

3 : Shirwaynuhu wuxuu go’aamiyay in dib loo dhigo Shirwaynihii Afraad Ee Xisbiga UCID, kaas oo ku muddaysnaa In la qabto Bisha January 2017, Waxaana shirwaynuhu go’aamiyay in Muddo hal sanno ah, dib loo dhigo, oo qabsoomi doonta, January 2018 .

4: Wuxuu shirwaynuhu awood buuxda u siiyay Gudoomiyaha Xisbiga UCID, in uu buuxiyo xubnaha ka banana Xisbiga UCID, inta la gaadhayo Shirwaynaha afraad ee Xisbiga UCID .

5: Waxaa kale oo uu shirwaynuhu go’aamiyay, in la balaadhiyo xubnaha Golaha Dhexe, oo laga dhigo 251 Xubnood, halka uu markii hore ka haa 181 .