Faysal Cali Waraabe Oo Eeddo U Jeediyay KULMIYE Iyo Waddani

0
573

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliilo u soo jeediyey labada xisbi ee Kulmiye iyo Waddani, waxaanu sheegay in labadan Xisbi ay ku xadgubeen sharcigii isla markaana si sharci daro ah u ololeynayaan,

???????????????????????????????

Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu shalay la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta yidhi "Waxaan jecel ahay in aan ka hadlo xoogaa ku saabsan Diiwaangelinta, laba Diiwaangelinood ayaa is daba  socata, midi waa tii muwaadinimada oo foomka la buuxiniyo midina waa tii cod bixiyayaasha, Doorashada soo socota, si dadkeena uu xuquuqdiisa u muujiyo, ayaa loo sameeyey arintaas, hore mid ayaa inooga khasaartay, waxaan maanta ku hambaliyeynayaa qalabka la keenay oo ah  qalab fiican, oo hor joogsaday ku celcelintii, dadka reer Somaliland waxa aan aad ugu hambaliyeynayaa labada Gobol oo midi  dhammaday midina dhamaanayo in si mudakarnimo leh oo edeb leh ay u qaateen"

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye ayaa yidhi "Waxa la bilaabayaa Gobolka Saaxil, waxa qudha ee aan jecel ahay in aan ka digo waxa weeye labada Xisbi ee kale waxay bilaabeen inay ku dhex ololeeyaan iyada oo olole ka dhigaan iyaga oo waliba awoodii dalka haya,  wey isku qabsadeen oo waad ogeydeen oo waxay isku qabsadeen Awdal,  way isku hanjabeen, nin baa nin wasiir ah ku  yidhi xabad baan kula dhici doonaa, iyagii ayaa is dili gaadhay labadoodii Wefti, maanta Saaxilna hadda ayaan ka nimid geeri ayaa ka dhacday, arintii wali wey taagan tahay, waxaanu ku soo heshiinay in wax la kala tirsanayo la galo diiwaangelinta ka bacdi"

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi "Komishanka hore ayaa warqad loogu qoray, komishanku haddii uu maanta joojin waayo ololaha aan wakhtigiisi joogin ee labada Xisbi galayaan barina wax ka weyn joojin maayaan, ha la joojiyo ayaan leeyahay Xildhibaanadan ordaya ee Waddani u ololeeynaya, marka ay ordayaan ee ay Xidhibaanadu ololeeynayaan inay xilka ka tagaan, raggii la isnaa ee is sharaxanayey meelaha kale may soo bixin, cabdiraxmaan cirro waa inuu xilka ka tagaa haddii ay Dawladdu ka baqayso Cabdiraxmaan oo uu lacagtii dawladda isticmaalayo,anagu ka xishoon mayno, shalay waxa la socday Xoghayihii Barlamaanka, lacagta daba siday, Cabdiraxmaan haddii ay Dawladdu qaban weydo anaga ayaa iska qabanayna"