Farmaajo Oo Sheegay Inaanay Somaliya Xor Ahayn, AMISOM-na Dantooda Wadin

0
878

 

farHargeysa(Geeska)-Raysalwasaarihii hore ee dawladda KMG ah ee Muqdisho Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa markii u horaysay si rasmi ah u sheegay in la haysto dalka Somaliya oo aanu xor ahayn.

Farmaajo oo hadal ka jeediyay xaflado habeen hore ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo lagu xusayay maalintii 1 julay ee ay Somaliya qaadatay xorriyadeeda oo ay ka qaadatay Talyaaniga, wuxuu sheegay in AMISOM aanay Muqdisho u tagin danaha Somaliya ee ay u tageen danahooda, “AMISOM; lanooguma iman in la ina badbaadiyo ee waxa ay u yimaadeen inaanay Al-Qaaciida iyo Shabaab ku faafin deriska iyo caalamka oo aanay dhibaato u gaysan.” Ayuu yidhi Farmaajo, waxaanu intaas raaciyay, “Wadankeena waa la haystaa oo xornimo buuxda ma haysano, Somaliya ha xorowdo oo ha noolaato.” Ayuu yidhi.

Wuxuu Farmaajo ka sheekeeyay halkii ay ka soo bilaabantay dhibaatada Somaliya, waxaanu soo hadal qaaday xasuuqii ay dawladii Maxamed Siyaad Barre u gaysatay shacabka reer Somaliland, wuxuuna qiray in waxyaabihii ka dhacay Somaliland ay yihiin waxyaabaha soo dedejiyay burburka dawladii Somaliya.