Faransiiska Oo Ciidamo Kale U Diraya Jamhuuriyadda Afrika Dhexe

0
752

Faransiiska ayaa sheegey inuu ciidamo dheeri ah oo gaadhaya 400 u diri doono Jamhuriyadda Afrikada Dhexe si ay wax uga qabtaan rabshadaha sii baahaya ee waddankaasi ka jira.
 War ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Francois Hollande ayaa ugu baaqey Midowga Yurub inay soo dedejiyaan shanta boqol ee askari ee ay balanqaadeen inay u diraan Afrikada Dhexe.

Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in xasuuq uu ka dhici karo Jamhuriyadda Afrikada Dhexe, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in maleeshiyada anti-Balaka ay dilayaan Muslimiinta ayna ka eryayaan guryahooda iyo xaafadaha ay deggan yihiin.

 
Maalintii Jimcaha kumanaan Muslimiin ah aya isku dayey inay kolonyo gawaadhi ah kaga baxsadaan magaalada caasimadda ah ee Bangui, laakiin waxaa dib u soo celiyey ciidamada caalamiga ah ee nabad ilaalinta kuwaas oo ka baqey in dadkaasi ay dhici kartey in lagu weeraro qeybaha ay rabshadaha ka jiraan ee Bangui.
 
Isagoo ka hadlayey magaalada New York, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki moon ayaa sheegey in wada noolaanshihii bulsho ee Jamhuriyadda Afrikada Dhexe la baabi’inayo, isla markaana beesha caalamka looga baahan yahay inay qaaddo talaabooyin adag oo looga hortagayo in xaaladdu faraha ka baxdo.
 
Ciidamada cusub waxay xoojin doonaan ciidamadii Faransiiska horey uga joogay Afrikada Dhexe, kuwaas oo tiradoodu ay gaadhi doonto 2,000. Ciidamada Faransiiska waxay si wadajir ah u shaqeeyaan ciidan gaaraya 5,000 oo ka socda Midowga Afrika.