Moha Faarax Jire ayaa shaaca ka qaaday in iscasilaada ay keentay markii hogaaminta Raysal-wasaare Md. Hailemariam ku guuldaraysatay maaraynta xaaladahii taagnaa, oo sidii looga bartay Itoobiya degenaanshiyaha ku soo celiyo.
Moha Faarax ayaa sheegtay in isbedelka xilligan ka dhacay Itoobiya ifafaale u yahay in jidkii labaatankii sannadood ee u dambeeyey Itoobiya ku socotay dib loogu nqon doono.
Idaacada VOA, laanteeda AfSoomaaligu oo Moha Faarax, oo ah gabadh ku xeeldheer falanqeynta arimaha siyaasadeed ee Geeska Afrika, wax ka weydiisay isbedelada ka soo cusboonaday dalka Itoobiya, oo Raysal-wasaare Md. Hailemariam warqad iscasilaad u gudbiyey Xisbiga Talada haya ee EPRDF iyo Baarlamaanka dalka, ayey hadalkeeda ku bilowday:
“Xilligan oo sannadakn 2018 bilowyahay, dhowaana uu dhamaaday shirweynahii Midowga Afrika, lana qiimaynayo guud ahaan xaalada Qaaradu ku sugan tahay, maadama Itoobiya tahay xarunta Midowga Afrika, isla markaana dalka Itoobiya ilaa dhamaadkii sannadkii 2015, ilaa wakhtigan waxa ka jiray mudaharaadyo isa-soo-tarayey, banaanbaxyo balaadhan, qaadacaad iibka dhinaca Ganacsiga, sida Jaadka iyo Ubaxa, rabshadahaasi waxay keeneen dhimasho iyo qaar la xidhay, dhibaatooyinka banaanbaxyadu keeneen. Xilligan waxa la soo gaadhay wakhtigii la sugayey ee qof walba oo caqli lahaa, ama dannaynayey mustaqbalka fog ee dalka Itoobiya, hadii dhibaatadaasi dhacday, maxaa sababi kara inay joogto u noqdaan oo socdaan?. Waxa jirtay in sannadkii 2016 Raysal-wasaare hailemariam sameeyey xaalad degdeg ah, oo dalkii bandoo lagu soo rogay, qaadhaan-bixiyeyaashii caalamiga ahaa, maalgashadeyaashii, wufuudii imanaysay xarunta Midowga Afrika, dadkii oo dhan isweydiinayeen xillima ayaa xaaladan degdeg ah dhamaanaysaa? Afar bilood ayaa laga dhigay, haddana lix bilood, haddana sannad ayaa la gaadhsiiyey mudadii, indhahii caalamka oo dhan Itoobiya ayey u soo jeesteen, ma keli-taliye ayaad tahay, waa inaad xaaladan degdeg xal ku gaadhid?, xalna lama gaadhin, waa maxay sababtu, aad baa loo dhaleecaynayey mudooyinkii u dambeeyey, maadama uu maarayn kari waayey inuu xaaladii dejiyo, oo sidii looga bartay Itoobiya xaaladii degenaanshiyaha ku soo celiyo, waxay keentay inuu is-casilo!
Cadaadis haduu jiro ma mid beesha Caalamka, iyo hay’adaha dhaqaalaha ka dambeeyeen oo lagu doonayey in horumarkii Itoobiya sii socda, mise waa mid gudaha dalka iyo kacdoonada qoomiyada Oromada ka yimi keenay, oo la weydiiyey ayey Moha Faarax ku jawaabtay:
“Dalkii oo dhan wuu kala xidhmay, caalamku waxuu isweydiinaya maxaa dhacaya? Ama wax looga qaban waayey? Gudahii dalkaaga iyo dadkaagu way mudaharaayaan? Markaa labadii dhinacba cadaadis ayaa kaga yimi uu xallin kari waayey, waxa dadka qaar ku dhaliilayaan inaanu Md. Hailemariam ahayn nin siyaasi ah, sannadkii 2009 ayuu raysal-wasaarahii geeriyooday Zenawi ku soo daray xukuumada isagoo doonayey inuu dadka farsamoyaqaanka iyo aqoonyahanka xisbiga ku soo darro, nin aqoonyahan ah oo dabacsan buu ahaa, Itoobiyana sidaa uma baran, shalay raysal-wasaarahu wuu hadlay si qiiro leh, waxuu sheegay inuu iscasilaadiisa u arko keenayso Itoobiya nabadeeda, dimoqraadiyad waarta, iyo inay sideedii ku soo noqoto, dadkayguna maalin walba aanay dhiman anigoo tixgelinaya waxaan u arkay inaan iscasilo.
Xisbiga talada hayey ee EPRDF maxay uga dhigan tahay arrintan, ma inay siyaasadoodii furfurayaan oo dimoqraadiyad qaadanayaan, oo talada xukunka ka qeybgelinayaan dhamaan dhinacyada xilligan diidan ee mucaaradka ah oo la weydiiyey ayey ku jawaabtay:
“Xisbiga marka laga hadlayo, marka Aabe weyn oo dalka iyo dadka aad u yaqaanay, gacan adag ku hayey, aduunka si adag ula macaamili jiray, dadku nabad ahaa marka ay eegayaan, waxay u arkaan in xisbiga EPRDF guuldaraystay, waayo, siyaasada uu ku dhaqmayey ee debecsanaanta aadka ahayd Md. Hailemariam cidna naxariis uma noqon, waayo dadkii oo dhan way ka soo wada horjeesteen?, maanta waxaad arkaysaa in dadkii faraxsan yihiin, oo jidkii labaatankii sannadood ee u dambeeyey Itoobiya ku socotay dib loogu nqon doono ayaad moodaa inay ifafaale u tahay tan maanta.
Maadama xisbiga EPRDF yahay midowga xisbiyo badan, yaa bedelaya ayaa la odhan karaa, mar la weydiiyey ayey ku jawaabtay, “Dalka Itoobiya waxa lagu tilmaamaa dal aan la fahmi karin waxa ka socda, marka loo eego taariikhdooda mudadda dheer ee Boqortooyada oo wax walba qarsoodi u hirgaleen oo ku soo dhisnayd weeye. Md. Hailemariam waxuu ka soo jeedaa xisbiga DP oo Koonfurta ah, markaa isbahaysiga EPRDF oo Orormada, Amxaarada, Soomaalida, dhaamaan qowmiyadaha Itoobiya ku jiran, xilligan ku-xigeenku waa Mr. Demeke Mekonnen nin gobolka Amxaarada ka soo jeeda, laakiin, lama odhan karo isagaa bedelaya, waayo, isaga laftiisa in la xisaabiyo ayaa laga yaabaa, Itoobiya waa dad aad dawladooda iyo xisbigoodu ugu adag yihiin, qofkii dhaawac soo gaadhsiiya sumcada dalka iyo karaamadiisa, in la xisaabiyo? Hadaanu Md. Hailemariam iscasileen maanta (shalay) waxa suurtagal noqon lahayd in laftiisa la xisaabiyo? Markaa, si uu xisaabta uga badbaaado uu yidhaahdo sumcada dadka iyo dadka ayaan ilaalinayaa, uu laftiisa badka iskeeno, anigaa is-gowracee, raali ha la iga ahaado! Markaa lama saadaaalin karo in Mr. Mekonnen uu qaadan doono jagadaa iyo in nin kaloo ka wanaagsan oo siyaasi ruug-cadaa ah loo dhiibo.
Saamaynta Soomaalida Itoobiya ku yeelan doonto isbedeladan hogaankii sare dalka oo la weydiiyey ayey Moha ku jawaabtay:
“Waa su’aal fiican, Soomaalida waxaad moodaa in sannadahii u dambeeyey dhibaatooyin, mudaharaadyo dhimasho iyo dhaaawac ka soo gaadhayeen dhinaca Kilinka Oromada ay walaalaha yihiin, oo iyaga laftooda cabasho tirsanayey, markaa, maanta, waxay keeni doontaa isku-bedel dalka goboladiisa guud ahaan lagu sameeyo, oo Soomaalida, Oromada, dadkii is-haystay oo dhan lagu xallin karo arrinkoodii ayaad moodaa in rajadeedii muuqanayso. Markaa Kilinka shanaad ee Soomaalida oo Madaxweyne Cabdi Maxamuud hogaamiyo, waa nin firfircoon, oo aad u bartay siduu dadkiisa ula macaamili lahaa, xisbiga EPRDF aad ugu xidhnaa oo saaxiib la ahaa ilaa Zenawi, markaa waxay u muuqataa inaan Itoobiya u dhutiyi doonin iscasilaada Md. Hailemariam guud ahaan, gaar ahaan Soomaalida waxaan odhan karaa, waxay u tahay fursad qaali ah oo maanta ay ku cabiri karaan, halka ay doonayaan inay gaadhaan, kulana nabdi karaan walaalahooda ay wadaa degaan ee oromada.