Hargeysa (Geeska)- Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland waxaa shalay kadhacay buuq iyo khilaaf ka dhashay ansixinta wax-ka-beddelka xeerka diiwaangelinta ee uu madaxweynuhu golaha u soo gudbiyey, si loo waafajiyo dib-u-dhigistii lagu sameeyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Kalfadhigan Shalay oo ay ahayd in uu guddoomiye, Guddoomiyaha golaha wakiillada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo fadhiyey ayaa intii aanu Kooramku buuxsamin, kalfadhiguna furmin waxaa mar keliya ka dareeray xildhibaannada Muxaafidka ee xisbiga KULMIYE, in kasta oo ay ka hadheen xildhibaano qudhoodu Kulmiye ah oo qaar ka mid ah lagu tiriyo Garabka la baxay Isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee KULMIYE. Waxaana ka mid ahaa xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere, Xildhibaan Cabdiraxmaan Tanyanle, Xildhibaan Waabeeye, Xildhibaan Axmed Kijaandhe iyo labada Guddoomiye ku xigeen. Sidoo kale waxa aan golaha ka bixin xildhibaannada mucaaradka, laakiin haddana tirada xildhibaannada gudaha ku soo hadhay, ma’ay suurtogelin in ay buuxsanto tiradii uu fadhigu ku furmi lahaa sharci ahaan.
Sida uu ku waramayo warfidiyeen ka tirsan Geeska Afrika oo goobjoog ahaa, xildhibaanno ka tirsan Mucaaradka ayaa isku dayey in ay gudaha hoolka fadhiyada golaha wakiillada dib ugu soo celiyaan xildhibaannada baxay ee muxaafadka ka soo jeeda si uu kooramku u buuxsamo, laakiin isku daygaas qudhiisa ayaa sii kordhiyey xaraaraddii, waxa aana ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo inay Xildhibaanada qaar ku sigtaan inay is gacan saaraan.
Waxaa barxadda dhismaha Baarlamanka Somaliland iyo qaybaha kala duwan ee aanu hoolka fadhiyadu ku jirin lagu arkayey.
Madaxeyne Siilaanyo ayaa golaha u soo gudbiyey xeerkan wax-ka-beddelkiisa si looga hortago in dib-u-dhigistii diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay dib-u-dhac ku keento doorashada maadaama oo xeerku hadda dhigayo in diwaangelintu dhammaanto Lix Bilood ka hor waqtiga doorashada.
Muxaafadka:
Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) oo ka mid ah xildhibaannada Muxaafadka ee fadhigii shalay ka baxay ayaa mar uu warbaahinta la hadlay, isaga oo sababaynaya bixitaankooda isla markaana faahfaahin ka bixinaya sida wax u dhaceen waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, "Qodobkan Madaxweynuhu keenay ee lixda bilood gudahood, bulshadu way haysaa taariikhdiisa.
Waa qodobkii aanu ku haysanay qolada Waddani iyo Guddoomiyaha Golaha ee barigii muranka weyn dhaliyey, markaa qodob xasaasiya inuu yahay waa la dareensan yahay, annaguna gole ayaanu nahay go’aankana aqlabiyad ayaanu ku qaadannaa, maalintii la keenayna golaha 60 mudane ayaa soo xaadiray iyaga oo doonaya in go,aan laga gaadho, gudoomiyaha ayaana dib u dhigay saddex wiig ka horna way ahayd, kolba safar ayaanu tagayey marna wuu imanayey maalintaasna diyaar ayaanu ahayn.
Midda labaad marka loo codaynayo xeer ama qodob digreeto ah loo codaynayo dhaqanka golaha iyo xeer hoosaadka goluhu waxa uu sheegayaa in hawl maalmeedka berri la qabanayo la sii sheego oo la yidhaahdaa xeerkaas ayaa loo codaynayaa ama xeerkaas ayaa laga doodayaa, annagu maannaan hayn warkaas in maanta loo codaynayo qodobkaas iyo mid kale, waxaanan leenahay xeer hoosaadka hala waafajiyo diyaar ayaanu u nahay inaanu codayno, dareenna anaga wuu nagu jiraa oo shaygu markii uu ku haboonaa in laga soo hor mariyo shaki ayuu leeyahay.”
Mucaaradka:
Wargeyska Geeska Afrika ayaa markii goluhu xidhmay kadib arrintan dhacday wax ka weydiiyey Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka, oo xildhibaannada KULMIYE ku eedeeyey in ujeeddada ay golaha uga baxeen ay tahay in aan la ansixin wax-ka-beddelka xeerka diiwaangelinta iyaga oo taas uga jeeda in ay doorashadu dib u dhacdo. Xildhibaan Rayte waxa uu yidhi, "Kal-fadhigan maanta (Shalay), waxa loogu talagalay in lagu ansixiyo Xeerkii Diiwaangelinta ee uu Madaxweynuhu dib ugu soo celiyey Golaha, laakiin waxa nasiibdaro iyo ayaan daro ah in Xildhibaannadii Kulmiye kalfadhigii ka baxeen, si ay buuq iyo khal-khal u galiyaan Golaha, waxaana waxa aad looga xishooda oo loola yaabo ah in Madaxweynaha oo Kulmiye ka mid ahaa kana mid ah ka hor yimadaan, xaqiiqaduna waxay tahay in aanu Kulmiye diyaar u ahayn inuu doorashada galo, maxa yeelay waxa uu Madaxweynuhu yidhi lix bilood gudahood marka ay Diiwaangelintu dhamaato ha la galo Doorashada, iyana waxay doonayaan taas mid ka soo horjeeda oo ah inay Doorashadu dhacdo lix bilood ka hor haddii ay taasi dhacdana waxa dhab ah inay Doorashadu dib u dhacayso, markaas waa doorasho ka carar iyo kursi jacayl, inay sii fadhiyaan ayeyna doonayaan.
Diiwaangelintani hore ayey buuq inoogu keentay, oo waa tii Golaha Wakiilada la xidhay, markaas si aanay buuq dambe inoogu keenin waa in la ansixiyaa xeerkan".