Fadhiga Maanta Ee Wakiilada Iyo Mooshinka Xaasaasiga Ah Ee Ay Muxaafidku Keenayaan

0
618

Picture5Hargeysa(Geeska)-Fadhiga golaha wakiilada ee maanta ayaa ku furmaya jawi xaasaasi ah, maadaama oo la filayo in xildhibaanada muxaafidka ahi ay golaha horkeenaan mooshin ay doonayaan inay ku soo celiyaan go’aankii hore ee ay golaha wakiiladu ku laaleen in haamaha shidaalka lagu wareejiyo shirkado gaar loo leeyahay.

Mooshinkan oo sida la sheegay ay saxeexeen 42 mudane, waxa ay ku dalbanayaan in la soo celiyo go’aankaas hore ee golaha wakiilada islamarkaana lagu ansixiyo in xukuumadu shirkado gaar ah ku wareejin karto maamulka haamaha shidaalka Berbera.

Xildhibaanada kale ee mucaaradka ah ayaa la filayaa inay iyaguna dood adag kala horyimaadaan mooshinkan iyagoo ka hortagi doona inuu hirgalo. Sidaas daraadeed xiisadda golaha wakiilada ee maanta ayaa la qiyaasayaa inay noqoto mid xaasaasi ah.

Bulshada ayaa indhaha ku haysa bal in xildhibaanadii hore u laalay wareejinta haamaha shidaalka Berbera ay ka dhex muuqdaan mooshinkan dambe oo sida ay mucaaradku sheegayaan ay madaxtooyadu soo qorshaysay.