Faallo: Shirkii Urur Goboleedka IGAD Ee Muqdisho Iyo Dooda Ka Taagan Qodobka Koobaad Cabdilaahi Axmed Caarshe

0
674

Maalintii salaasada ayay ahayd markii shirkii  28aad ee urur goboleedka bariga afrika  ee loo soo gaabiyo Governmental Authority on Development {IGAD}, uu ka furmay magaalada muqdisho kuna soo dhammaaday isla saacad gudeheed.

Shirkan waxaa la filayey in ay ka soo qayb galaan dhammaan madaxda ku midowdey ururkan IGAD, balse shirkaa waxaa ka baaqday saddex hoggaamiye muhiim ahaa shirkan, kuwaasoo kala ahaa madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir oo maxkamada caalamiga ah ee ICC raadinayo in la soo qabto sababta uu u tegi waayey magaalada muqdishona ay taas tahay una muuqdo in uu aammini waayey dowlada aan cagaha adag ku taagnayn iyo ciidamada AMISOM ee halkaa jooga.

Sidoo kale shirkaa ka baaqday madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaacil Cumar Geelle oo ay ciidamo nabad ilaalineed ka joogaan dalka soomaliya, in badana ku dedaalay soo celinta nabadii soomaliya, iyada oo laba madaxweyne lagu soo dhisay dalka Jabuuti kuwaas dhamaandood fashilmay, maqnaashiiyaha Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa fadeexad diplamaasiyadeed ah urur goboleedka IGAD iyo maamulka muqdisho labadoodaba.

Waxaa kale oo isna shirka ka baaqday madaxweynha koonfurta Suudaan Salva kiir, inkastoo isaga ay haystaan dhibaatooyin iyo dagaalo sokeeyo oo dalkiisa ka socda, balse agendah shirka koonfurta Suudaan meel sare ayay kaga jirtey mana cada sababta uu uga baaqday shirkan.

Sida aynu la wada soconay shirkaas waxaa ka soo qayb galay mdaxweynaha dalka Kenya Uhuru Muigai Kenyatta, oo ujeedadiisa ugu muhiimsan uu shirkaa u tegey ay ahayd in uu madaxweynaha soomaaliya kala hadlo qaadka ay soomaliya ay joojisey, taasna wuu ku guulaystey Mr. Kenayatta, iyada oo la wada ogyahay in aanu wanaagsanayn xidhiidhka maamulka muqdisho iyo dowlada Kenaya.

Waxaa kale oo iyana ka qayb galay shirkaas labada wadan ee ay ciidamada ugu badani ka joogaan soomaliya waa raysal-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, iyo madaxweynaha dalka Uganda Mr. Yuweri Musaveni iyo madaxweynaha martida loo ahaa Xasan Sh. Maxamuud.

Shirka IGAD waxaa lagu qabtay hotel ku yaalla gudaha madaarka Muqdisho ay ku yaallin xafiisyada beesha calaamka iyo xarunta ugu wayn ciidamada AMISOM, iyada oo magaaladuna ay xidhnayd todobaadkii u danbeeyeyey sababo ammaan darro awgood.

Qodobkii Koobaad Ee Bayaankii Urur Goboleed IGAD, {Communiqué of The Summit}

Shirkii IGAD waxaa laga soo saaray bayaan ka kooban 21 qodob oo intooda badan lagaga hadlay arrimaha soomaliya, sida argixisada, soo celinta nabadii soomaliya, doorashooyinka aan caadiga ahayn ee la filayo in ay soomaaliya ka dhacaan bilaha soo socda iyo arrimo kale oo ay ku jirtey xalaada adage e ka tagaan koonfurta wadanka Suudaan.

Hadaba waxaa wax lala yaabo ahaa qodobka koobaad ee lagu bilaabay bayaanka urur goboleedka IGAD, kaas oo dhigaya in ay muqadas tahay mindimada soomaaliya, siyaasad ahaan  iyo dhul ahaanba waxaanu u qornaa sidan:

1-Reaffirmed its respect for the sovereignty, territorial integrity,

political independence, and unity of Somalia;

Urur goboleedka IGAD waxay dib u xaqiijinayaan xushmada ay u hayaan xorriyada, dhul ahaaneed, madax banaanida siyaasadeed iyo midnimada soomaliya.

Run ahaantii qodobkan maaha mid ay ka fiirsadeen madaxdii ka qayb gashay shirkaas, waxaanu u muuqda mid gole kaga ka coo niyada loogu dhisayey dalka ay colaadaha iyo argagixisadu halakeeyeen ee soomaliya, waayo calaamku wuu ogyahya in ay dhamaatay wixii la odhan jirey midnimadii soomaliya, marnaba aanay Somaliland ka mid ahayn maamul goboleedyada soomaliya.

Waa mid cad in ay Somaliland tahay qaran jira oo aan marnaba hoos tegayn maamulka ciidamada shisheeye ku ilaalinayaan villa somaliya, ay ogyihiin urur Goboleedka IGAD, ay Somaliland tahay xaqiiq jirta sida uu horayba u qiray madaxweynaha soomaliya waraysigii ugu danbeeyey ee uu siiyey VOA-da kuna qiray horuumarka iyo dowladnimada somailand,

Qodobkan aan laga fiirsan eek u jirey bayaankii urur goboleedka IGAD, waxaa markiiba si mugle uga jawaabay madaxweynaha Jamhuuriyda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo, kuna tilmaamay waxba kama jiraan, cadeeyena in ay madax banaanida somailand ka tahay laba taabtaan, isaga oo beesha calaamkana baaq u diray.

Gunaanad

Waxaa haboon in aanay mar danbe urur goboleedka IGAD, mashquulin wixii la odhan jirey midnimo soomaliyeed, taas dhammaatay 1991-kii markii Somaliland ay madax bannanideeda kala soo noqotay dalkii la isku odhan jirey Jamhuuriyadii soomaliya {Soomali Republic}, sidoo kale waa in ay fahmaan urur goboleedka IGAD, xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Somaliland, kana fogaadeen riyooyinka beenta ah ee ay ku maaweelinya muqdishada fashilantahay, oo maanta calaamka u aqoonsan yahay qaranka fashilmay [Failed State}.

A.A.Arshe,  Hargeisa, Somaliland