Faadumo Siciid Oo Xukuumada Ku Cambaaraysay Iibinta Xarunta Haweenka Ee women’s Club

0
564

Picture2Hargeysa(Geeska)-Marwo Faadumo Siciid, oo ah la taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha Waddani, ayaa cambaaraysay iibinta iibinta xarunta waxbarashada haweenka ee Women’s club-ka oo la sheegay in dad gaar ah xukumadda ka iibisay.

Marwo Faadumo Siciid oo shalay saxaafadda la hadashay waxa ay si kulul xukuumadda ugu cambaaraysay iibka xaruntan oo muhiim u ahayd horumarinta haweenka degen magaalada Hargeysa  “Marka maanta meeshii yarayd ee haweenku iskugu imanayeen ee wax ku baranayeen ee ay ku mededaalanayeen ee Women’s club-kii , dawladdii dhammayd ee Somaliland iibisay markay wax walba soo cuntay ee wax walba soo dhammaysay ee meel kale oo ay hujuunto wayday, markay hoygii yaraa ee haweenka ee Women’s Club-ka u soo fadhiisatay ay Iibisay maxaa Somaliland u hadhsan,” ayay tidhi Marwo Faadumo.

Lataliyaha guddoomiyaha Waddani Marwo Faadumo Siciid waxay ku dooday in iibinta guriga qadiimiga ah ee haweenku sababi doonto tahriibta haweenka “ Dhalinyaradii shaqo la’aan iyo mustaqbal la’aan ayay u tahriibeen, ma hooyooyinka ayaa la doonayaa in iyagana wadadaas lagu tuuro? Dawladdi ma hadhin, wax allaale wax haykal dawladeed ah oo hadhsani ma jiro. waa dawlad siday u taagnayd burburtay, abuur baa dhexda ka cunay. Madaxtooyada ayaa aboor ku noqotay qaranimadii, dastuurkii iyo dawladnimadii,” ayay tidhi Faadumo Siciid.

Ugu dambeyn waxay farriin u dirtay haweenka wasiirada ka ah xukumadda Siilaanyo “ Waxaan la hadlayaa dumarka wasiirada ah ee ku jira dawladdan mustaqbal la’aanta inagu riday, Marwada koobaad ayaan la hadlayaa, waxaan idin leeyahay xageed dumarkayagii dhigteen, xageed magacayagii iyo sharaftayadii maanta dhigteen, markaad hantidii dumarka Iibiseen ee Women’s clubk-kii iibiseen maxaa ku xiga eenu idinka filaa,” ayay tidhi Faadumo Siciid oo kula talisay wasiirada dumarka ah iyo marwada madaxweynaha inay dib isugu noqdaan lana daayo guriga haweenku wax ku baranayeen.

Wasaaradda waxbarashada ayaan wali ka hadal arrintan.  Haseyeeshe xaruntan ayaa muhiim u ah waxbarashada haweenka, waxaana wax ka barta haween tiro badan oo ka kala yimaada daafaha kala duwan ee caasimadda. Haddii uu iibkeedu hirgalo waxa ay noqon doontaa dhaawac soo gaadhay waxbarashada da’d ban ee Somaliland.