Ergooyinka Shirweynaha KULMIYE Oo Hoggaanka Xisbiga Xilalka U Cusboonaysiiyey, Xubin Loo Tanaasulayna Cod Ku Ansixiyey

0
615

Hargeysa (Geeska) – Shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE oo ay shalay ahayd Maalintiisii labaad ayaa Ergada ka qayb-gashay Xilalka u cusboonaysiiyeen shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno ee soo socota, marka laga reebo Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad oo loo doortay Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), kaasi oo uu uga Tanaasulay Madaxweyne ku-xigeenka oo xilkaa hayey dhowr iyo Tobankii sanadood ee u dambeeyay.

Shirweynaha oo ay ku sugnaayeen 806 (siddeed boqol iyo lix) ergey oo ka mid ah xubnaha ergooyinka xisbiga, ayey shirguddoonka shirweynuhu gudo galeen Ajandaha shirka, waxaana ay ugu horrayn  ergadu  cod  ku meel-mariyeen  wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey qodobbo ka mid ah xeer hoosaadka xisbiga KULMIYE.

Xubnaha ergadu waxa ay cod ku meelmariyeen in wax laga beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee xisbiga, isla-markaana uu xoghayaha guud  soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu, xilka qaadistiisa iyo  magacaabistiisana ay ansixinayaan  golaha dhexe ee xisbiga, iyada oo sidoo kale ergadu cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada golaha dhexe ee xisbiga oo la soo jeediyey in la yareeyo, waxa kale oo ay ergadu cod  meesha kaga saareen xeerkii dhigayey in badhasaabada gobolladu si toos ah u soo galaan golaha dhexe ee xisbiga.

Intaa kaddib, waxa  la gudo-galay doorashada  Shanta  xubnood ee hoggaamin doonta xisbiga muddada shanta sanno ah ee soo socota, iyada oo la yeedhiyey magacyada xubnaha buuxiyey shuruudihii ay guddida qaban-qaabadu hore u shaacisay, waxaana ay ergadu cod aqlabiyad ah ku dooratay in Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ahaado guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,  halka guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigana loo doortay, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigana waxa loo doortay, Mudane Axmed Cabdi Dheere.  iyada oo guddoomiye-ku-xigeenka saddexaadna ergadu u dooratay, Mudane Xuseen Aadan–cadde, halka guddoomiye-ku-xigeenka Afraadna loo doortay, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isagu ku cusub hoggaanka xisbiga, ahna wasiirka Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ar kale loo cumaamaday Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo ku hadlay afka xubnaha hoggaanka ah ee  la doortay, ayaa si ballaadhan ergooyinka madasha ku sugnaa ugaga mahadnaqay kal-furnaanta iyo kalsoonida  ay ku doorteen, waxaana uu tilmaamay in isaga iyo xubnaha kale ee la doortay ay u baahan yihiin taageerada, talada iyo ducada taageerayaasha xisbiga, isla-markaana ay soo dhaweynayaan fikir kasta oo meel mar ah oo dhinacooda ka yimaadda, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xil culus baad noo dhiibteene waxa aad noosoo raacisaan duco iyo inaad talada iyo taageerada nala ag joogtaan, haddaanu qaldannona la qabataan oo aannu annaguna idiin qabsoonno, xisbiga hawshiisana sidaas baynnu ku wadaynaa.”

Madaxweynaha, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE,  waxa uu tilmaamay in xisbiyadu yihiin madal fikirka lagu shiilo oo talooyin kala duwan la isku dhaafsado, isla-markaana loo baahan yahay in loo hoggaansamo dhinaca aqlabiyaddu raacdo oo aan la is colaadsan, la isuna tanaasulo, “Xisbiyadu waa meel arrin lagu gorfaynayo, la iskaga hor imanayo ra’yi kala duwan la midaynayee waxa aannu jecel nahay in cid kasta oo ra’yiga ay wadato laga bataa inay u dulqaadato oo u hoggaansanaato KULMIYE doorkiisu halka uu maray, haddii ay ka xanaaqdo codkaa la iga batay oo uu ka dudo KULMIYE dhab ah ma ah, annaga haddii uu wax naga tirsadona wuxuu leeyahay golihii dhexe, mus-dambeedkiisii, taageerayaashii, intuba ciddii wax qoonsata inaynu is waaninno oo aynu is wadanno mid cadho ku maqan iyo mid cadhoon doonaba inay xeer inoo noqoto xisbiga in la isku wado oo uu sidaas ku hoggaamiyo,” ayuu yidhi  Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE shaaciyey in sida xeerka xisbiga KULMIYE sheegayo  ay ergooyinka xisbigu u doorteen labadii goor ee sharcigu siinayey hoggaaminta xisbiga, marka ay muddadaasi dhammaatana uu  noqon doono oday xisbi oo aan taladiisa iyo wax sheeggiisa  xisbiga kala maqnaan doonin, waxana uu yidhi,  “Waxaan doonayaa in aan caddeeyo sida ay dhigayaan Xeer14 iyo xeerka Xisbigu labadii goor ee la ii dooran lahaa Guddoomiyenimada KULMIYE labadiiba waan isu taagay, waana la ii doortay, waxa hubaal ah doorashada dambe haddii Alle caafimaad innagu gaadhsiiyo anigoo oday ka ah oo aan tartan ku jirin in aan xisbiga ka mid noqon doono.”