Dunida Oo Weli Raadinaysa Diyaaradii La Waayay Ee Malaysia

0
633

Picture1Wadamada dunida ugu awooda badan ayaa u muuqda inay weli raadinayaan raq iyo ruux halka ay ku dambaysay diyaaradii wadanka Malaysisa laga lahaa ee la waayay 8 March.

Afar diyaaradood oo ay leeyihiin ciidammada cirka ee Australia iyo 6 markab oo ah kuwa xamuulka, ayaa ka qeyb qaadanaya baadigoobka loogu jiro diyaarada la la'yahay ee shirakadda Malaysia Airlines.

Baadigoobka ayaa wuxuu ka socdaa goob ka tirsan Koonfurta Badweynta Hindiya, taas oo qiyaastii 2,500 oo KM dhanka Koonfur galbeed kaga began magaalada Perth ee Australia. Laakiin baadi-goobka ayaa la hakiyay ka dib markii ay hawadu xumaatay, waxaana la filayaa in maanta dib loo bilaabo.

Sawirro lagu qaaday dayax gacmeed oo la shaaciyay Khamiistii, ayaa muujinaya wax u eg qeyb ka tirsan burbur diyaaradeed oo badda dul sabaynaya. Laakiin maaha markii u horeysay ee la arko wax loo maleynaayo in ay yihin qayb kamid ah qalabka diyaaradda, waxaana dhacday ilaa labo jeer in la arkay waxyaabo loo maleynaayo in ay kamid ahaayeen agabka diyaaradda balse markii la baaray la ogaaday in aysan ahayn.

Dhanka kale, shirkad bixisa adeega dayax gacmeedka oo laga leeyahay Britain ayaa BBC-da u sheegtay in 10 maalmood ka hor ay jirtay suuragalnimo ahayd in burburka diyaarada laga heli karo qeybta Koonfureed ee badweynta Hindiya ama bartamaha Asia, balse ay jirtay rajo yar oo ku aadan in laga helo Koonfurta badda Shiinaha iyo gacanka Malacca oo ah goobaha ay baadi goobka xoogga ku saartay dowladda Malaysia.

Wasiirka gaadiidka ee Malaysia Hishammuddin Xuseen ayaa maalin ka hor sheegay in sawirka dayax gacmeedka lagu arkay uu yahay tilmaanta ugu wanaagsan ee ay hadda hayaan.

Qaar ka mid ah ehelada 239-ka qof ee diyaarada luntay saarnaa ayaa ammaanay dadaalka ay dowladda Malaysia waddo ee ku aaddan baadi goobka.

Diyaarada la la'yahay ayaa ka soo kacday magaalada Kuala Lumpur ee wadanka Malaysia- waxaana marka ay lumaysay ku sii jeedday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxaana raadinaaya ilaa 26-wadan iyadoo laga raadiyey dhul baaxadiisu aad u weyn tahay.