Hargeysa (Geeska) – Dugsiga Sare ee NUURADIIN Hargeysa ayaa sanadkan ku Guulaystay kaalmaha ugu horeeya ee Imtixaanka Shahaadiga ah, tusaale ahaana waxa uu ku guulaystay 61% Natiijadii Dalka oo dhan.
Natiijooyinka uu ka helay Dusiga Sare ee Nuuradiin Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee sanad Dugsiyeedkan oo shaxaysani waxay tahay sidan hoos ku qoran:-
Kaalmaha Dugsiga Nuuradiin ka galay Natiijadii Imtixaanaadka sanad dugsiyeedka 2013
Dugsiyada Sare ee Dalka Darajada (A)
Ardayda Dugsiyada Sare u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga ah waxa aya dhamaayeen tirada guud 7310, 23-ka mid ah Ardaydaas ayaa ku guulaysatay darajada (A), 14-ka mid ah Ardaydaas waxa ay yihiin Ardayda Dugsiga Sare ee Nuuradiin, waxaanay tiradaasi caddaynaysaa Ardayda Dugsiga Sare ee Nuuradiin in ay yihiin 61% kuwa ku guulaystay natiijada ugu badan ee (A)-da.
Dhinaca kale, Natiijada Labaatanka Arday (20) ee ugu sareeya Imtixaanka shahaadiga ah uu Dugsiyada Dalka oo dhan, Dugsiga sare ee Nuuradiin waxa uu helay siddeed Arday (8), Dugsiga Sare ee SOS-na siddeed Arday (8), halka afarta Arday ee soo hadhay ay ka heleen Dugsiyadda Sare ee Ilays (1), Dayaxa (1), Faaruuq (1) iyo Sheekh Bashiir (1).
Sidoo kale, Dugsiga Sare ee Nuuradiin Labaatanka Arday (20) ee ugu sareeya Dalka oo dhan oo aanu ku jirin Dugsiga Sare ee SOS waxa uu helay kow iyo toban (11) kaalmood, halka sagaalka Kaalmood ee kale ay kala heleen Dugsiyada Sare ee Dayaxa (1), Ilays (2), Faaruuq (1), Sheekh Bashiir (1) iyo Abu-hurayra (1).
Intaas oo kali ah kuma koobna Guulaha uu sanadkan 2013-ka ku hogaaminayo Dugsiga Sare ee Nuuradiin Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee haddii aynu eegno dhinaca Gobolka Maroodi-jeex oo ay ku taalo Caasimadda Dalka waxa uu ka helay tobanka (10) Arday ee ugu sareeyaToddoba ka mid ah (7), halka saddexda soo hadhay laba ka mid ah (2) uu ka helay Dugsiga Sare ee Ilays, halka soo hadhayna(1) uu ka helay Dugsiga Sare ee Abu-hurayra.
Ku darsoo Dugsiga Sare ee Nuuradiin marka laga Eego dhinac Hablaha waxa uu Tobanka(10) Arday ee ugu sareeya Gobolka Maroodi-jeex ka helay Siddeeda (8) Hablood ee ugu sareeya, halka labada Hablood ee kale uu ka helay Dugsiga Sare ee Ilays.
Natiijooyinka kor ku xusan ee uu mutaystay Dugsiga Sare ee Nuuradiin waxa ay muujinaysaa Dedaalka, Aqoonta iyo Xirfadda Macalimiinta, Maamulka iyo Mulkiilaha Dugsiyadaasi oo Ardaydooda dul dhigay Itaalkooda, isla markaana ay u soo baxeen midhaha Yididiilada leh ee ay ku soo beegsanayaan Ardayda Dalka oo dhan.
Comments are closed.