Dugsiga Sare Ee SOS HG Sheekh Oo Ku Guulaystay Abaalmarin Caalami Ah

0
699

Hargeysa(Geeska)- Dugsiga hoyga ah ee SOS Herman Gmeinar Sheikh Secondary School kuna yaala degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee dugsiyada sare ee Zayed Future Energy Prize ee sannadka 2016. Waxaana duggsiga SOS bilada u guddoomay Axmed Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf oo uu dhalay aqoonyahanka caanka ah ee Prof Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf. 

Recieving the award

Guddiga qiimaynta Dugsiyada Sare ee Caalamka ayaa soo reebay oo keliya dokumentiyada tartanka ee shan dugsi oo laba ka mid ah ku yaaliin Yurub, saddexdana kalena ku kala yaaliin Afrika, Aasiya iyo gobolada Badweynta Baasifiga.

4-5tii Bishii October ayaana guddidu markii ugu horraysay fadhiisatay si ay usoo saarto liiska tartamayaasha isugu soo hadhay wareegga u danbeeya kuwaas oo kala ahaa 14 dugsi oo ku kala yaalla qaaradaha Adduunka. Dhanka Afrika waxa ku jiray dugsiga Mfantsipim oo ku yaalla Ghana, dugsiga SOS HG Sheikh Secondary School oo ku yaalla Somaliland iyo dugsiga Abaarso School of Science and Technology oo isaguna ku yaalla Somaliland.

Abaalmarinaha ayaa lagu bixiyay furitaanka Shirka  Caalamiga ah ee Tamarta Adduunka oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi ee  caasimadda isutagga Imaaraadka Carabta maanta oo taariikhdu tahay 18ka January 2016. Xafladda waxa goob joog ka ahaa madaxda todoba waddan, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Masuuliyiiin sarsare oo ka tirsan dawladda Imaaraadka Carabta.

Abaalmarintan waxa loogu magac daray hoggaamiyihii hore ee Imaaraadka Carabta oo ahaa aas'aasihii dalkaas Sheekh Zayed Bin Sultan Al Nahyan, waxana markii ugu horreysay la bixiyay 2008-dii. Abaalmarintan oo qiimaheedu dhan yahay $4 milyan oo dollar waxay ka kooban tahay afar qaybood oo ay ku tartamaan ururada aan dawliga ahayn, shakhsiyaad, dugsiyada sare iyo shirkadaha caalamiga ah ee halabuurka leh.

Sannadkii 2012kii ayaa lagu daray qaybta lagu abaalmariyo dugsiyada sare ee caalamiga ah, si da'yarta iyo jiilasha mustaqbalka loo baro hirgelinta tamarta iyo qorshayaasha taabo galka ah ee waari kara muddo badan. Waxana dugsiyada ku guulaysta abaalmarintan oo midkiiba la siiyo $100,000 dollar.

Dugsiga Sheekh waxa la dhisay sannidihii Kontomeeyadii waqtigii Somaliland ka mid ahayd maxmiyadda Ingiriiska. Hase yeeshee dagaaladii ka dhacay Soomaaliya waqtigii Somaliland dib ula soo noqonaysay madaxbannaanideeda ayaa dhaawac weyn soo gaadhsiiyay dhismayaashii dugsiga isla markaana joojiyay gebi ahaanba waxbarashadii goobta ka socotay. Haseyeeshee hay'adda SOS ayaa dib u dhis ballaadhan ku samaysay dugsiga waxana dib loo furay sannadkii 2003.

Dugsigu waxa uu caan ka yahay dhammaanba geyiga Soomaalida, bariga Afrika iyo caalamkaba, waxana wax ka bartay arday badan oo qaarkood hoggaamiyayaal ka noqdeen Somaliland,kuwo kalena ka mid yihiin haldoorka bulshada. Sidoo kalena waxana barayaal ka noqday macallamiin ajaanib ah oo qaarkood muddo badan maamulayaal ka ahaayeen.

Ugu danbayntii,guusha dugsigani soo hooyay ayaa waxa qayb weyn ka gestay qaar ka mid ah ardaydii wax ku baratay, waxana uu kasokow bahda waxbarashada iyo dugsiyadaba magac iyo sumcad usoo hooyey Jamhuuriyadda Somaliland, waana guul dhaxal gal ah oo qiimo weyn leh.