Hargeysa (Geeska)-Dugsiga sare ee Salaama Secondary School oo ka mid ah dugsiyada ku yaala caasimada Hargeysa ayaa kaalinta sadexaad ka galay natiijadii ka soo baxday imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee Dugsiyada sare.
Ardayga Cabdisalaan Maxamed Sheekh Cabdilaahi oo ka mid ahaa ardayda ka tirsan dugsiga sare ee Salaama ayaa ku guulaystay inuu kaalinta sadexaad ka galo imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka.
Maamulaha guud ee dugsiyada Salaama Jaamac Biixi Muuse ayaa ka hadlay dedaalka ay muujiyeen ardayda dugsigiisu, waxaanu ka dareen celiyey kaalinta fiican ee dugsigu ka galay ardayda ugu saraysa dalka, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaanu joognaa xafiiska imtixaanaadka, dugsiga Salaama sidii caadada ahayd waxa uu maanta wacdaro ka muujiyey imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee xafiiska imtixaanaadku ku dhawaaqay, Dugsiga Salaama waxa uu galay kaalinta sadexaad tobankii arday ee ugu sareeyey somaliland, waxaan leeyahay ardaygayga noo galay kaalintan Hambalyo, waxa kale oo aan u hambalyeynayaa waalidkii iyo macalimiintii soo saaray.”
Sidoo kale maamulaha dugsiga sare ee Salaama Siciid Faarax Xuseen ayaa isaguna dhiniciisa ka dareen celiyey dedaalka ay muujiyeen ardaydu waxanu yidhi “Run ahaantii Ardayda Dugsiga sare ee Salaama ilaa intii ay soo galeen saaxada imtixaanaadka oo ahayd sadex sano ka hor intaasba kaalmo ayey galayeen, waxaanad moodaa in heerka ardaydu kor u socdo, sanadkii ugu horeeyey oo ahaa kal sadexaad kaalinta sideedaad ayuu dugsigu galay, sanadkii ku xigayna ardaydu lix kaalmood ayey galeen, tobankii arday ee ugu sareeyeyna laba kaalmood ayuu dugsigu ku lahaa, halka habluhuna ay afar kaalmood ku lahaayeen, imika kor ayey u sii socdaan oo waxay marayaan kaalinta sadexaad, guud ahaan ardayda ardaydana natiijadoodu way fiican tahay oo A Iyo B ayey u badan tahay.”
Sidoo kale Cabdifataax Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cumar oo ka tirsan maamulka dugsiyada Salaama isla markaana waalid u ah ardayga kaalinta sadexaad galay ayaa isna hambalyo u diray ardayda dugsiyada Salaama waxaanu yidhi “ Ardayda sanadkan u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ee ay Dugsiga sare ee Salaama iyo dugsiga hoose dhexe ee Salaama waan u hambalyeynayaa, waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa ardayga wacdaraha ka muujiyey ee galay kaalinta sadexaad kaas oo ah ardaygii aan anigu waalidka u ahaa, waxaanan leeyahay Hambalyo darajo fiican ayaad gashee.”