Dufcaddii 8-aad Oo Ka Qallin-jabisay Xarunta Dhimirka Ee SAHAN Iyo Dhismayaal Xadhigga Laga Jaray

0
669

Hargeysa(Geeska)– Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil, ayaa Doraad Xadhigga ka jaray Dhismayaal lagu soo kordhiyey Xarunta Dhimirka ee SAHAN oo ku taalla Dacalka Galbeed ee Magaalada Hargeysa.

1

Waxa kale oo uu Wasiir ku-xigeenku Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dufcaddii 8-aad ee Wax lagu baro Xarunta SAHAN, kuwaasi oo markii xarunta la geeyay ahaa Dad aanu Xuskoodu dhamayn oo Xidh-xidhnaa, laakiin Maanta iyagoo Miyirkoodii ILAAHAY u soo celiyey isla-markaana bartay Xirfado Dawaarku ka mid yahay ay Qallin-jabiyeen.

Munaasibadda loo qabtay Qallin-jebinta Ardayda Dhamaysatay Xirfadaha kala duwan, ayaa waxa ka qayb-galay Masuuliyiin ka kala socday Laamaha Dawladda ee Caafimaadka, Waxbarashada, Culimada Dalka oo uu Sheekh Aadan-Siiro ka mid yahay, Xaaji Cabdi-waraabe iyo Marti-Sharaf kale oo tiro badnaa.

Guddoomiyaha Xarunta SAHAN Bashiir Maxamed Jaamac oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa sheegay, “Dadkan waxaanu Tacabka u gelinayaa Adduunkan laftiisa ayaan Qiimo lahayn haddaan Bani-aadamkani joogin. Rasuulkuna wuxuu yidhi ‘Adduunka lama rogayo illaa laga waayo Qof leh Laa’ilaaha illaalaah’. Markaa Cid kasta oo ka qayb-qaadataa waxay ka helaysaa Khayr iyo Xasanaad. Dhakhaatiirka halkan ka shaqeysaa halkay Lacag badan ka qaadan lahaayeen waxay ku darayaan Tabarucaadkooda.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka hadlaya Dadka wax la baray, “Ardayda ka baxday SAHAN waxay noqonayaa Arday Tababbar soo qaatay. Waxaan Ardayda kula dardaarmayaa in markay Guryahoodii tagaan in aanay dib ugu soo laaban Sahan ee ay halkaa ka sii wataan Xirfaddooda iyo kartidooda, iyagoo ILAAHAYNA ku xidhan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro) oo isaguna ka mid ah Dadka Doorka wanaagsan ka qaata Xaruntaasi, ayaa yidhi, “Nebigu (CSW) wuxuu yidhi Dadka wax ugu khayr badan ka Dadka Anfaca. Kuwii Maraykan iyo Yurub ka yimid baa Xarunta Sahan jooga. Dadka ku hawlan ILAAHAY dambigooda ha dhaafo.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu farriin u diray Masuuliyiin Qaranka, “Masuuliyiinta Qaranka waxaan leeyahay Waar hala yimaaddo Xarunta SAHAN ooh ala eego, hala horumariyo oo aynu u gurmano.” Ayuu yidhi.

Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Innamada Raggu ku tabcay ee Alle daweeyey waxaan leeyahay waxaad eeddeen ha ku noqonina.”

Xaajigu wuxuu Xukuumadda iyo Cid kasta oo ka qayb-qaadan karta ugu baaqay in loo soo jeedsado sidii gacan libaax looga geysan lahaa horumarinta Xarunta Dhimirka ee SAHAN.

Isku-duwaha Dhimirka ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Mustafe Xuseen Xirsi oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Xanuunkani kama duwana Xanuunada kale, waa lala noolaanayaa, oo waa laga bogsanayaa. Sidaa darteed waxaan Dadweynaha ugu baaqayaa inay Dadka bogsaday ka daayaan Magacyadii ay hore ugu yeedhi jireen, inay ka daayaan Faqii ay ka faqayeen, oo ay ka qayb-geliyaan qorshaha iyo Hawsha guriga taalla.”

Agaasimaha Waxbarashada Dadban ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Muuse Maxamed Shide oo isaguna Madasha ka hadlay, ayaa in wax kastaa leeyihiin Gabogabo iyo meel laga gaadho, laakiin Balwadaha Qaadka iyo Sigaarku ka mid yihiin aanay lahayn meel ay ku dhammaadaan, sidaa daraadeedna wuxuu kula dardaarmay Dadka bogsaday ee Xirfadihii la baray Shahaadooyinkoodii la guddoonsiiyey in aanay dib ugu noqonin Balwadihii ay markii hore xanuunka ka qaadeen.

Gabogabadii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil oo halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Xarunta SAHAN waxay ku dedaashay qayb ka mid ah Mushtamaceenna. Qofka wax u qabta Qof ee badbaadiya  wuxuu badbaadiyey oo uu wax u qabtay Dadkoo dhan. Dadka SAHAN lagu hayo qof ka mid ah ma hayn karaan Dadka inoogu taajirsan iyo Ninka ugu Caqliga badan hadday isku tagaan, markaa aad iyo aad baanu ugu mahad-naqaynaa Xarunta SAHAN.”