Dr. Sacad Oo Al-Azhar Ka Codsaday Inay Somaliland Ka Taageerto Waxbarashada Iyo Jawaabta Azhar

0
590

Qaahira (Geeska)- Degelka wararka ee rasmiga ah ee Al-Azhar iyo qaar ka mid ah warbaahinta caanka ah ee dalka Masar ayaa maalintii shalay warar ay ka baahiyeen booqashada uu labadii maalmood ee u dambeeyey u dambeeyey magaalada Qaahira ee xarunta Masar ku joogay wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Mudane Sacad Cali Shire, waxa ay ku warrantay in wasiirku uu maalintii shalay la kulmay ku-xieenka xoghayaha Al-Azhar Dr. Cabbaas Shuman, oo ay ka wada  hadleen iskaashiga dhinaca waxbarashada iyo faafinta diinta ee dhex mari kara Azhar iyo Somaliland.

1

War ay kulankan kadib faafisay Al-Azhar, ayaa lagu sheegay in xoghaye xigeenka Al-Azhar uu dalabka waftiga Somaliland kaga jawaabay, in uu u xaqiijiyey in Azhar ay taageerto guud ahaan Soomaaliya, laakiin haddana uu u muujiyey in diyaar uu u yahay in uu dhinaca deeqaha waxbarasho ka taageero Somaliland, isla markaana in culimo ay u soo diraan Somaliland iyo in ay tababar siiyaan dadka diinta Islaamka faafiya iyo culimada Somaliland. Waxa aanu wakiilka Al-Azhar intaas ugu daray waftiga Somaliland in waxyaabahaas uu sheegay in ay ka caawinayaan ay qayb ka yihiin tababarrada kallaha ah ee ay Al-Azhar fuliso iyada oo soo dhex maraysa wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Masar.