Dr Maxamed-Rashiid Oo Hambalyo U Diray Ciidanka Booliska

0
827

rashidHargeysa (Geeska)- Wasiiru dawlaha wasaarada arrimaha dibada ee Somaliland Dr Maxamed-rashiid Sh Xasan ayaa hambalyo u diray ciidamada kala duwan ee booliska Somaliland munaasibada 22aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii ciidanka booliska. Dr Maxamed-rashiid ayaa si gaar ah u bogaadiyey hogaanada kala duwan ee booliska, gaar ahaan sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Sidoo kale Dr Maxamed-rashiid wuxuu madaxweynaha Somaliland ku hambalyeeyey darajooyinka ciidamada booliska iyo kuwa qaranka ee ay xukuumadiisu bixisay.