Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Xubno Wasiiro Ah Ku Eedeeyay Khilaafka KULMIYE

0
605

HargeysPicture5a(Geeska)-Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ku taliyay in khilaafka KULMIYE lagu xaliyo xal siyaasi ah ee aan lagu xalin is maquunin.

Dr. Maxamed, oo shalay isagoo u safray dalka Ingiriiska u waramay telefishanka HCTV, wuxuu sheegay in salka khilaafku yahay xubno wasiiro ah oo doonaya inay qayral sharci ku maroorsadaan awoodda guddoomiyaha KULMIYE.  “Waa mushilada [khilaafka] ugu weyn ee dalka Smaliland maanta ka jirta waxaan rajaynayaa in waanwaanta guurtidu lagu najaxo, waxaanan jecelahay oo aan ku baaqayaa in Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiye Muuse Biixi ay ku najaxaan oo ku guulaystaan xalinta khilaafkaas isf agaradna ay ka gaadhaan. Waxaan aaminsanahay inaan is maquunin iyo sharci la tiigsasho lagu xalin, waa masalo siyaasiy ah oo u baahan xal siayasiya.” Ayuu yidhi Wasiirkii hore ee ganacsiga oo uu xilkiisii sahayday khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Dr. Maxamed Cabdillaahi yidhi, “Maaha madaxweynaha oo ku dhawaaqay inuu yahay murashax iyo Muuse Biixi  oo isna  yidhi murashax baan ahay, waa arrimo siyaasdeed oo xal loo heli karo, mushkiladu waa awoodii guddoomiyaha xisbigu lahaa ayaad moodaa si aan sharciga waafaqsanayn inay cid kale ku shaqaynsayso, waa in  awoodaas la soo celiyaa, waa xayn ka tirsan golaha wasiirada.”