Dr. Maxamed Cabdillaahi Oo Beeniyay War Laga Baahiyay

0
539

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa beeniyay war ay shabakadaha wararka qaarkood baahiyeen oo sheegaya inuu ka mid noqon doono golaha cusub ee wasiirada Somaliya.

Dr. Maxamed oo ku sugan magaalada London ee wadanka Ingiriiska, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray shalay, wuxuu ku yidhi sidan “Warka qaar ka mid ah mareegaha wararku qoreen ee sheegaya in shirkii Somaliland iyo Somaliya ee Jabuuti ka dhacay lagu soo qaaday sidii aan anigu ugu mid noqon lahaa dawladda Federaalka ee Somaliya waxaa caddaynayaa inuu yahay warkaasi mid aan run ahayn oo la beenabuuray. 

Waxaan shacabka Somaliland iyo taageerayaashaydaba u sheegayaa in ay sidaa ula socdaan. 

Haddii aan doonayo kursi dawladeed waxay fursado badani iiga furan yihiin Somaliland oo ku talo jiro sidii aan hogaanka dalka ugu guulaysan lahaa markay ku haboonaato.”