Addis Ababa(Geeska)-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa dalka Itoobiya kaga qayb galay shir madaxeedka sannadkiiba mar la qabto ee lagu magacaabo Tana High level Forum on security in Africa, oo ah kulan lagaga hadlo xaaladda amni ee guud ahaan qaaradda Afrika.
Kulankan oo ka dhacay dalka Itoobiya, waxa uu Dr. Biixi kaga qayb galay martiqaad rasmi ah oo loo fidiyay, waxaana ka qayb galay raysalwasaaraha Itoobiya iyo madaxweynayaal, raysalwasaarayaal iyo madax kale oo tiro badan, waxaana halkaas lagaga hadlay xaaladda amni ee guud ahaan qaaradda Afrika iyo sida loo horumarin karo loona ilaalin karo.
Dr. Biixi, wuxuu shirkaas kulamo gooni gooni ah kula yeeshay xoghayihii guud ee hore ee Qaramada Midoobay Kofi Annan, ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Suuriya Lakhdar Brahimi iyo madax kale, kuwaas oo ay ka wada sheekaysteen sida loo horumarin karo qaaradda Afrika iyo ammaankeeda.
Maxamed Biixi, oo ka tirsan siyaasiyiinta isbahaysiga, wuxuu muddo dheer ka soo shaqaynayay Qaramada Midoobay oo uu darajo sare ka gaadhay, waxaanu ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland, isagoo xilkaas iska casilay.