Hargeysa(Geeska)-La taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland Dr. Cumar Cilmi Dixood, oo shalay subixii ku geeriyooday magaalada Hargeysa, ayaa la filayaa in maanta lagu aaso caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Dr. Dixood, ayaa u geeriyooday xanuun kedis ah oo ku soo booday, waxaanu ka mid ahaa xubnihii ku dhawaaqay ururkii SNM ee dib u xoraynta dalka Somaliland. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka uu Dr. Dixood ka geeriyooday.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan “Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, geerida ku timid Dr. Cumar Cilmi Dixood oo ku geeriyooday Magaalada Hargaysa, madaxwaynuhu wuxuu si gaara uga tacsiyadaynayaa qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Dr. Dixood, iyo dhammaan shacbiga Somalilandba.
Madaxwaynuhu wuxuu ku sifeeyay Dr.Dixood nin ku suntanaa Waddaniyadda Somaliland, kana mid ahaa aas-aasayaashii iyo halgamaagii horseeday xornimada dalka ee SNM, wakhti xaadirkana ka mid ahaa La-taliyayaasha Madaxwaynaha.”