Hargeysa(Geeska):-Gudida komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa ku dhawaaqay wakhtiga ay qabsoomayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo aqalka golaha wakiilada Somaliland, waxaana ay sheegeen in ay qorsheeyeen in doorashooyinkaasi ay dhacaan Kowda bisha Lixaad ee 2016ka, iyaga oo sida oo kalena sheegay in ay u cuskadeen xeerka arrimaha doorashooyinka Somaliland.
Gudida komishanka doorashooyinka, ayaa hadalkan ka sheegay mar ay shalay hortageen fadhigii uu yeeshay aqalka golaha wakiilada Somaliland oo uu shir-guddoominaayey guddoomiyaha aqalkaasi Md.Cabdiraxmaan Ciro.
Guddoomiyaha gudida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, oo ugu horeyn halkaasi ka akhriyey khudbad dheer oo koobsanaysa mudadii ay jireen waxyaabaha u suurta galay in ay qabtaan, waxaana uu ku dhawaaqay go’aanka komishanka ee khuseeya xiliga ay suurta gal tahay in ay ku qabtaan doorashooyinka madaxtooyada iyo aqalka golaha wakiilada Somaliland.
"Waxaan wada-tashi kala yeelanay hogaanka sare ee xisbiyada qaranka aas aaska laga duulayo go'aaminta maalinta doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiilada ee soo socota oo ah in la raaco xeerar dalka u yaala, waxaanu xalay(Habeen hore) u gudbinay madaxweynaha cayimaada maalinta ay qabsoomayso doorashada madaxtooyada iyo golaha wakiiladu oo ku beeg maysa maalinta bisha 01.Juun.2016, hadaba hawlahaas aanu soo qabanay kolay waxaa naga hor imanaaya caqabado ama naga hortaagan ambaba aanu soo dhaafnayba hawlaha qabyada ah ee ku xidhan xukuumada iyo golaha wakiilada mudanayaal iyo marwo, waxaa aynu wada ogsoonahay in xeerkii doorashada golaha wakiiladu aanu diyaar ahayn oo uu u baahan yahay qabyo tir sidaas daraadeed waxaanu idin ka codsanaynaa aniga oo ka wakiil ah Komishanka doorashooyinka qaranka oo hortiina fadhiya in la dhamays tiro xeerka doorashada golaha wakiilada, in wax ka bedal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka diiwaan galinta codbixiyaasha taas oo aanu diyaarinay meelo iyo qodobo u baahan in dib loogu noqdo.".
Intaa ka dib xildhibaanadii ka soo xaadiray fadhigaasi, ayaa iyaguna dhankooda waxaa ay su’aalo khuseeya dhawaaqa komishanka doorashooyinka ay ooda kaga qaadeen gudida doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaana ka mid ah su’aalihii ay xildhibaanadu halkaasi ku waydiiyeen komishanka doorashooyinka qaranka. Iyada oo ay su’aalahaasi ay u badnaayeen kuwo ku saabsan sharciyada ay u haystaan komoshanka doorashooyinku in ay ku dhawaaqaan wakhtiga ay doorashadu dhacayso, waxaana ay xildhibaanada badidoodu ay tilmaameen in aanay komishanku xaq u lahayn in ay ku dhawaaqaan go’aankaasi balse ay kaliya leeyihiin soo jeedin wakhtiga ay ku dhacayso maadaama ayey yidhaahdeen hay’adda aqalka golaha guurtida Somaliland ay sharci u leedahay ku dhawaaqida iyo jaan goynta wakhtiga doorashadu ku dhacayso ama mudada lagu daraayo haddii ay doorashadu wakhtigeedii dib uga dhacdo. Waxaana ka mid ahaa su’aalahaasi.
“Mar kasta oo wax la doorta wakhti ayaa ay leedahay, tusaale ahaan Shan sanadood weeye wakhtigeenu mudadaas ayaana ay tahay in doorahada lagu qabto, markaa ka dibna waxay u baahanaysaa wakhti sharciyad ah, wakhtiga sharciyada ahna marka ay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomi weydo Guurtida ayaa la wareegta oo wakhtiga kordhisa marka ay xaalada qiimayso. Idinku hada(Shalay) halkan, waxaad ka sheegteen jadwal aad tidhaahdeen sanad ayaanu u hawshaas doorashada ku dhamaynaynaa. Haddii ay guurtidu kordhiso Sagaal bilood ama ay kordhiso sanad iyo badh amaba sadex sannaba waxa ay doonto kordhiso. Marka jadwalkiina doorashadu halkee ayaa uu qabanayaa.?.”
Waxaana ay komishanka doorashooyinku su’aashaas ay kaga jawaabeen sida tan:“Haddaan su’aasha xildhibaanku na waydiiyey aan si yar oo kooban uga jawaab. Waa su’aal is barkan midi waxaa ay ku saabsan tahay mudada uu komishanku ku dhawaaqay iyo xiliga ay ku beegan tahay. Kow taasi waxaa ay ka dhalatay mudadii ay gudida doorashooyinku ay u sameeyeen in ay ku dhamaato diiwaan galinta codbixiyeyaashu, taasina waxaa ay ahayd go’aan ay saddexda xisbi qaran isla gaadheen, loona gudbiyey madaxweynaha digreeto madaxweyne-na ku soo baxday.marka sharciga baarlamaanku waxaa uu dhigayaa oo aad idinku soo jeediseen in mudada ay dhamays tirmanto diiwaan-galintu codbiyeyaashu in Komishanku doorashooyinku Lix bilood ka hor ay noqonayso doorashadu. Iyada oo la qiimaynaayo, lana tixgalinaayo xeerkaas ayaa ay mudadan ay komishanku sheegeen ku salaysan tahay.Arrinka ku saabsan guurtida waxaan filayaa xeerkana kumaanan arag meel aanu kala tashano guurtida mudada aanu soo saarayno, waxaa ay ahayd mid farsamo oo aanu ku sar-goynay xeerkaa yaalay iyo warqadii madaxweynaha ka soo baxday, marka waxaan filayaa in taa Guurtida la waydiin doono haddii Alleh ka dhigo.”.Ayuu yidhi Cabdifataax.