“Doorashadu Wakhtigeeda Ayay Ku Dhacaysaa”

0
558

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Md. Saleban Maxamuud Aadan, ayaa soo dhaweeyay heshiiska dekedda Berbera oo uu ku tilmaamay deeq Alle.

dddd

Md. Saleban oo shalay saxaafadu su’aalo ku weydiisay xafiiskiisa, wuxuu kaloo ka hadlay doorashooyinka oo uu sheegay inay waajib tahay inay qabsoomaan “Waaryaadheheen, anigu wax Alle soo kordhiyay deeq Alle kama cawdo, dawladaad weydiinaysaan, dawladu heshiis bay gashay, mid wax tarta ayuu aniga iigu muuqdaa, mida kale maba dhaqan gelinee goormaa la kala cabanayaa. Midhiisa hala sugo.” ayuu yidhi Saleban.

Mar la weydiiyay maalinta Qaranimada ee 18 May, wuxuu yidhi  “Maalin qaran baynu leenahay, maalinta qarankeenu waa 18 May, 26 June maaha, taariikhda 26 June waynu xusaynaa oo waa malin qiime leh, laakiin maalintii qaranimada Somaliland waa 18 May.”

Saleban oo ka hadlaya doorashooyinka wuxuu yidhi “Doroashadii dee waa inay dhacdaa ma wax kalaad iga filaysaan, tii madaxweynuhuna waa inay dhacdaa, isaguna isagoo dhaaranaya oo leh iga walaan maalin la iigu darayn waan maqlayay, waanan ku bogaadinayaa. Ta goluhuna waa inay dhacdaa doorashadu waa waxa, dadku isbedel ayuu had iyo jeer doonaa, dee dadkii halagu noqdo ma khalad baa.”