Dookha Somaliland Baa Wax-Saar Leh Mise Doorashada

0
1855

Maxamed Cabdi Daa’uud 

Aan isla jaan-qaadnee ereyga ah ’dookh’ waa Af Carabi la doorshay, oo waa ’Dooq’, oo waa ’dhadhan’ ama waa ’dareen’. Oo haddii dadka qaar malabku dacar u yahay, ama qaarkood ”Xumaha” jeclaadu, dee waxbaa ka qaldan dadyawgaas. Eryega ’doorashona’ waa awood iyo maamuus Ilaahay Aadmiga ku galaday, oo uu kaga duwan yahay xoolaha iyo naf-laawaha aan la xisaabin If iyo Aakhiro. Labadu way is daba socdaan, oo kolba dookhaagu siduu yahay, ayay doorashadaadu noqon doontaa. Horumarka iyo ”hagaasnimaduna” waxay ka soo jeedaan, hadba siduu ahaa dookhaagu. Halbeeggani mar walba wuu taagan yahay, haddii laga hadlayo Qof-qof iyo haddii Qaran la yahayba. Quruumihii hore qaar buu ka hadlay Quraanku. Waa kuwo uu ka xumaaday dookhii, deedna ay ka khalkhashay doorashadii, dabadeedna Ilaahay ku tilmaamay Daayeero iyo Doofaaro. Waa la sheegay oo waxay ahaan Yuhuuddii hore.

Markaan maqlo dadkeena oo leh: ”Ma rabno Doorasho, mana kala jeclin inay Doorasho dhacdo iyo in kale …!” Mar waxaan idhaahdaa, sawtan bulshadii wax u bildhaameen, ee la gartay inay wax inaga qaldan yihiin. Marna waxaa ii muuqda qaladkii oo la sixi kari la’yahay, oo deedna laga kici kari la’yahay. Doqoni Qiiq Kama Kacdee, Daamankay Meermeerisaa. Adeer Doorashadu waa awood uun oo dambi ma laha, ee Dookheena ayaa wax-saar leh.

Doorashada Golaha Guurtida

Waxaa xusid mudan waxtarkii odayaasha Somaliland ay ka geysteen maalmihii qadhaadhaa. Ha noqoto waqtigii dagaalada iyo qaxootigii ama xilligii mashaqooyinkii is-daba joogga ahaa, ee ka dhacayay dalkeena oo burbursanaa, iyo busaaraddii timaha iskugu keen xidhay xilliyadaas. Odayaashaas aan xusnay, waxaa maanta ka sii riiqaya rag fara-kutiris ah, oo ka mida xubnaha labaatanka sano ku dhammaystay Golaha Guurtida.

Wixii ka dambeeyay 1997kii, qaran jira oo horumar, nidaam iyo kala dambeyn higsanaya ayaynu ahayn. Labaatankaas sano Aqalka Guurtidu wuu iska “calyo-ceshanayay”. Oo irbid dun muu gelin, sida lamaanihiisa ah Aqalka Wakiilada ee jooga.

Ina Cigaal ayaa xil iska saari jiray curinta xeerarka qabyada ah ee ku xusan Dustuurka. Isaga ayaa awood ku marsiin jiray Labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiilada. Ina Rayaale sidaas ma ahayn, markii dambana waxaa iska bahaystay labadii Xisbi Mucaarid Kulmiye iyo UCID oo u diiday inuu far dhaqaajiyo.

Axmed Siilaanyo waxa uu helay fursad qaaliya iyo mucaarid ”sikhiran”, oo ay saaxib ahaan jireen. Xeererkan Doorashooyinka ee la camaaliqay buu furfuri lahaa, oo si fudud ku marsiin lahaa Labada Aqal, mayse dhicin. Maantana waa ayaan darro, in aan taagan nahay halkii aan joognay 2005kii.

Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Golaha Xukuumadda, waa seddexda Gole Qaran ee Dawladda Somaliland ku dhisan tahay. Waxaa ayaan darro ah maanta, markii ugu horreysay, in aanu jirin mid keliya oo ka ’biraysani’ (Xalaal ka ahi) Seddexdii Gole ee Dawladda Somaliland ay ku dhaadanaysay. Isbeddelka isdaba joogga ah, ee loo sameeyo Golayaasha Somalia, ee lagu qaybsado 4.5 ku, miyaanu dhaamin kuweenan qudhmay? Hal Xaaraani, Ma Dhasho Nirig Xalaala . Waxaa taas ka dhigan go’aanada iyo ansixinta ka soo baxaya Golayaashaas Muddo Dhaafka wada noqday.

Waxaa lagu maahmaahaa; Ugu Horreyn, Kalluunku Madaxa Ayuu Ka Qudhmaa. Haddaba Dimuqraadiyaddii iyo Doorashooyinkii Somaliland waxay ugu horreyn ka khaa’iseen Golaha

Guurtida. Gole aan la dooran, oo mar kasta is doorta weeye. Gole boobay xaquu lahaa shacabku, oo doorta Golayaasha kale weeye. Gole ku haboon Somalia oo aan la jaan-qaadi karin Somaliland weeye. Gole muran geliya Xeerkii isaga lagu dooran lahaa weeye.

Bal ila eega Dustuurka Qaranka. Qodobka 58aad; Doorashada Xubnaha Golaha Guurtida:

  1. Xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo dooranayaa doorasho, habka doorashadana waxa nidaaminaya xeer.

Meeyay Xeer Nidaamiyahaasi? Ma labaatan sano oo tagay ayaa la samayn kari waayay xeerkaas? Guurtidu waxay indhaha ka lalisaa cinwaanka uu leeyahay qodobku, kaas oo ah; ”Doorashada xubnaha golaha guurtida” iyo ereyada ah; ”Waxa lagu soo dooranayaa doorasho”. Deedna waxa ay isku taaraan qodob iyo cinwaan ka fog kan aynu hayno. Kaas oo sidan uqoran: “Qodobka 62aad; Fadhiga Ugu Horreeya Ee Golaha Guurtida:

Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Guurtidu wuxuu qabsoomayaa 30 maalmood gudahood ka dib maalinta la soo dhamaystiro XULASHADIISA; waxaana fadhiga furaya, xubnahana dhaarinaya, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare; waxana shirkaas guddoominaya xubinta ugu da’da weyn, inta laga dooranayo Guddoomiye rasmi ah iyo labadiisa Ku-xigeen.

Waxa ay ku hadaaqaan ereyga ah ’Xulashadiisa’, ee halkan ku soo arooray, oo macno ahaan loo adeegsaday ‘Doorashadiisa’, Sida ku xusan qodobka doorashadooda. Markii laga baydhay Dustuurkii, ee loo raxleeyay sida ay u rabaan Golaha Guurtidu, in aanay doorasho galin, waa ta keentay 20 sano inaynu asqawno, oo Golahaas tawafay inoo taliyo. Taasi marka hore waa Dustuur jabin, marka xige waa Dimuqraadiyaddii oo la gawracay, mar seddexaadkana waa jaha-wareer aan la garanayn sida loo soo xulayo; yaa soo xulaya? Ma lagu heshiin karaa? Intay qaadanaysaa? Ma labaatan sano oo kale? Kitaab Gurigiisii loo Diiday, Sayax Allaa Baday!

Saami Qaybsiga Gobolada/ Sayaxa Koowaad

Waa bar madaw, oo ku taala maamuladii kala dambeeyay ee Somaliland, in ay samayn kari waayaan, tiro koob saxan oo laga qaado dadka ku dhaqan Lixda Gobol Doorasho ee Jamhuuriyadda Somaliland. Maamulka Siilaanyo ayaa ugu dhawaa laba sano ka hor markuu bilaabay Diiwaan Gelinta Muwaadinka. Taas oo markii ugu horreysay meesha ka saartay dhaqankii ahaa ku noq-noqoshada. Fursaddaas qaaliga ahayd waxaa qoor-gooyay isla Guddigii loo xil-saaray oo ka koobnayd Todoba Wasiir iyo Todoba Agaasime. Waxaa gees ka noqday Seddexda Xisbi Qaran, Golaha Wakiilada iyo Komishanka Qaranka intuba. Maxay u jeedaan?! Bal adba!

Haddii cadceedda la waayo, xiddigaha ayaa lagu socdaaye, Shaxdan ku lifaaqan waxaa ka muuqda Doorashadii Aqalka Wakiilada ee 2005kii, ee ay ku soo baxeen golahan joogaa. Waxa ay iftiiminaysaa intii ka codaysay gobol kasta, Tirade Xildhibaanada ee loo qoondeeyay gobol kasta, iyo celcelis ahaan codeynta uu ku fadhiyo Xildhibaan kastaa, gobol kasta. Ugu dambaynna waxa ay muujinaysaa, guud ahaan Somaliland codadka, celcelis ahaan, looga baahanaa Xildhibaan kasta. Codadkaas oo ay ahayd inay gaadhaan 8,174.

Marka la qaato Hal-beeggaas ku dhisan Sayaxa Caddaaladda, waxaa ku saaqiday Gobolada kala ah; Sool, Saaxil, Sanaag iyo Burco, oo dhamaantood xildhibaanadu ay ku soo baxeen codad ka yar 8174. Waxaa guulaystay oo Halbeeggii dhaafay Gobolada M/Jeex iyo Borame oo Xildhibaanadoodu celcelis ahaan ay ku fadhiyaan codadka kala ah 12,661 iyo 10,232. Eeg shaxda Kowaad.

Shaxda Kowaad/ Doorashadii Wakiilada ee 2005

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here