Madaxweynaha la doortey ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa subaxnimadii hore ee arbacadii shalay waxa uu Twitterka ku soo direy fariin uu kaga hadlaayo weerarkii ka dhacay Jaamacadda Ohio ee dalka Marayknaka, kaas oo uu geystey wiil Soomaaliyeed oo Jaamacadda uu weeraray Ardey ka ahaa.
Trump ayaa sheegay in masuuliyadda weerarkaas ay qaadatey ISIS, kaas oo uu fuliyey Somaali qaxooti ah oo sida uu sheegay aanay ahayn in ay joogaan waddankeena Maraykanka ayuu yidhi Trump.
Cartan oo ahaa wiilka fuliyey weerarka ay ku dhaawacmeen 11 qof, isaguna naftiisi ku waayey ayaa sharci ku joogey dalka Maraykanka, waxa uu ahaa ardey wanaagsan horena wax denbiyo ah uma gelin.
Laamaha amniga ee Maraykanka ayaa aminsan in uu weerarkani ahaa “lone wolf” oo loo isticmaalo dadka gooni socodka ah kadibna isla hadalka dartiis iyo cadho weerarada u geysta, waxaana ardeyda Jaamacaddu sheegayaan in Cartan aanu saaxiibo lahayn.
ISIS ayaa sheegatey in ay masuul ka tahay weerarkan, mana jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya IS iyo wiilka la diley ee weerarka fuliyey taas oo weli laamaha amnigu ay heleen.