Donald Trump Oo Dhisay Xukuumad Madaxdeedu Tahay Dad Hawlgab Noqday

0
645

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump oo shalay xilka si rasmi ah ula wareegay, ayaa soo bandhigay xubnaha golihiisa xukuumadda iyo weliba la taliyayaashiisa muhiimka ah.

1

Rex Tillerson, oo ah siyaasi 64 jir ah ayuu u xushay inuu noqdo xoghayaha arrimaha dibadda. Siyaasigan ayaa lagu eedaynayaa inuu xidhiidh dheer la leeyahay madaxweynaha Ruushka Mr. Putin.

xoghayaha maaliyadda wuxuu u xushay Steven Mnuchin oo ah 54 jir, waana nin caan ka ah dalka Maraykanka.

Xoghayaha difaaca waxa noqonaya James Mattis oo isna ah 66 jir, waxaanu muddo dheer ka tirsanaa ciidamada Maraykanka.

Xeer ilaaliyaha guud waxa noqonaya Jeff Sessions oo ah 70 jir, waxaanu ka mid ahaa raggii markii u horaysaba garab istaagay loolankii Donald trump ee ugu jiray inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Xoghayaha amniga waxa isna noqonaya John Kelly oo ah 66 jir, waxaanu muddo dheer ka tirsanaa ciidamada badda ee Maraykanka oo uu hawlgab hadda ka noqday.

Xoghayaha ganacsiga waxa loo magacaabay Wilbur Ross oo 79 jir ah, waana taajir bilyaneer ah oo caan ka ah dalka Maraykanka

Xoghayaha tacliinta, waxa uu u magacaabay haween la yidhaahdo Betsy DeVos oo 59 jir ah.

Xoghayaha tamarta waxa noqday Rick Perry oo 66 jir ah.

Xoghayaha caafimaadka iyo arrimaba bulshada waa Tom Price oo 62 jir ah.

Xoghayaha guryaynta iyo horumarinta magaalooyinka, waxa uu u magacaabay Ben Carson oo ah madowga Maraykanka ah oo 65 jir ah.

Xogyaha arrimaha gudaha, waa Ryan Zinke oo isna ah 55 jir.

Xoghayaha shaqaalaha wuxuu u dhiibay Andrew Puzder oo ah 66 jir

Xoghayaha gaadiidka, waa Elaine Chao oo 63 jir ah.

Xoghayaha beeraha, waxa noqday Sonny Perdue oo ah 70 jir.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Qarmaada Midoobay waxa noqotay Nikki Haley oo ah 44 jir.

Xukuumaddan uu dhisay Donald Trump, ayaa waxa laga dareemayaa inuu u badiyay dadka da’da ah taas oo la odhan karo wuxuu door bidayaa khibradooda iyo waayo aragnimadooda. Waxaana dadka uu xilka u dhiibay gaar ahaan xilalka culus ugu  yar safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay oo ah 44 jir.