Riyaad (Geeska)- Gabadha ugu yarayd xaasaskii uu ka tegey hoggaamiyihii la dilay ee shabakadda Al-Qaacida Usaama Bin Laaden oo lagu magacaabo Amal As-Saddaax ayaa dhowaan bixisay waraysi sida qumbuladda u qarxiyey xogo sir ah oo la xidhiidha dilkii Usaama Bin Laadin oo uu dalka Maraykanku dunida ka qariyey, tafaasiishiisa.
Ammal Saddaax oo u dhalatay dalka Yemen waxa ay ahayd qofka keliya ee la joogto Usaama Bin Laadin markii uu dhintay, mar ay dhowaan u warrantay wargeys ka soo baxa dalka Suucidga ayaanay si dhiirran uga warrantay dhimashadii saygeeda oo indhaheeda ku hor dhintay iyo qaabkii ay ciidamadii gaarka ahaa ee Maraykanku ku soo galeen guriga ay deggenaayeen ee ku yaallay magaalada Abbottabad ee dalka Pakistan, gaar ahaan xaafad lagu magacaabo Bilaal oo ay degaan dadka maalqabeenka ahi.
Warkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay war-sidaha Okaz Centre (Cukaas) ee ka soo baxa dalka Sucuudiga oo ay Ammal u warrantay ayaa waxa ay ku tidhi, “Markii ay bilaabatay in ciidamada gaarka ah ee Maraykanku isku dayaan in ay qasab ku soo galaan gudaha guriga, isla markaana ay diyaaradaha qummaatiga u kaca ee Maraykanku ciidamo badan ku soo dejiyeen guriga dushiisii iyo deyrkiisii, ayaa waxaa bilowday dagaal adag oo dhex maray ciidankii iyo dagaal-yahanno hubaysnaa oo gudaha guriga ku sugnaa. Waxaa dhacay dagaal xoog badan oo aad u kulul” ayaa ay tidhi Ammal. Warkan oo beeninaya sheegashadii hore ee ahayd in aanay dadkii joogay gudaha guriga Usaama lagu dilay, dareemin in ciidamada Maraykanku la joogaan illaa gudaha loogu soo galay, waxa kale oo ay Ammal ku sheegtay sir kale oo ah in dowladda Pakistan oo illaa hadda loo haysto in aanay dagaalkaas ogeyn ay ciidamadeedu ka qayb qaadanayeen dagaalka iyaga oo ka barbar dagaalamaya Maraykanka, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Ciidamada guriga u soo daatay ee dagaallamayey waxa ay isugu jireen ciidamo reer Pakistan ah iyo ciidamada Maraykanka, gurigana go’doon ayaa ay ka dhigeen oo jiho kasta waa ay kaga xeernaayeen. Sidoo kale xaafadda iyo deegaanka guriga ka ag dhow oo dhan ciidamo aad u badan ayaa la dhigay… tiradoodu aad ayaa ay u badnayd” Warka hore loo hayey waxa uu ahaa in Usaama loogu galay qol isaga oo aan qori sidan kadibna madaxa laga toogtay, laakiin Ammal Saddaax iyadu mid kaas ka duwan ayaa ay haysaa, “Markii ciidamadu ay isku dayeen in ay si dhaqso ah ugu soo gudbaan gudaha guriga, ayaa Sheekh Usaama Bin Laadin oo markii dagaalku bilowdayba qorigiisa qaatay uu isku dayey inta aanay guriga soo gelinba in uu daaqadda qolka kala dagaallamo oo uu ka difaaco soo gelidda guriga… xabbad rasaastii la soo ridayey ah ayaa madaxa oo wajahaadda hore ah kaga dhacday, dhulka ayaanu ku dhacay. Isla markiiba waa uu shahiiday oo ruuxdiisu Rabbigii lahaa ayaa ay u tagtay” Ayaa ay tidhi Ammal.
Ammal Saddaax waxa ay sheegtay in mar dambe oo ay ciidamada Maraykanku qolka soo galeen ay ogaadeen in uu dhintay Usaama, iyada oo arrimahaas ka hadlaysana waxa ay tidhi, “Markii dambe ciidamadii Maraykanka ayaa guriga soo galay, waxa ay soo galeen qolkii, waxa aanay arkeen in Sheekhii la dilay, si degdeg ah ayaa ay u qaateen maydkiisii, waxa aanay kula yaaceen diyaarad kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay wateen, diyaaraddiina markii maydka (Eeg Bogga 7aad )
la saarayba dhaqso ayaa ay u kacday..” Intaas kadib Ammal oo ah gabadha keliya ee xaasaskii Usaama ku calool adaygtay in ay noloshaa adag kula noolaataa waxa ay sheegtay xog ay ku doodayso in ay jawaab u tahay su’aasha illaa hadda dunida oo dhami jawaabta u la’ dahay ee ah, sababta uu Maraykanku u soo bandhigi waayey maydka Usaama bin Laadin, iyo sababta sida degdegga ah badda loogu tuuray iyada oo la og yahay in talefishannada dunida oo dhan uu hore Maraykanku uga sii daayey muuqaallada maydka labadii wiil ee uu dhalay Saddaam Xuseen markii ay ku dileen dalka Ciraaq. Ammal Saddaax oo dhaawac fududi lugta ka soo gaadhay markii Maraykanku guriga ku weerareen waxa ay waraysigaas ku tidhi, “Diyaaraddii maydka qaadday markii ay kor u kacday ayaa ay la qaraxday wixii ku gudo jiray oo dhan.. diyaaraddii iyo dadkii saarnaaba waxaa ka soo hadhay googo’ hilbihii dadka ah iyo waslado yaryar oo burburkii diyaaradda ah” iyada oo arrintaas xujo ka dhiganaysana waxa ay sheegtay in Maraykanka ay u cuntami weyday in ay ururiyaan hilbaha googo’ay ee maydka kadibna soo bandhigaan, waxa aanay hadalkeeda ku sii dartay, “Waa sababtaas ta’ keentay in la qariyo warka ku saabsan qaabka loo dilay Usaama Bin Laadin. Waayo Obama iyo Guriga Cadi waxa ay doonayeen in ay maydka Sheekha oo dhamaystiran helaan, si ay dunida oo dhan u tusaan iyaga oo maydkii Usaama haya, guushoodana taas ku xaqiijiyaan, laakiin markii ay sidan u dhacday waxa ay ku qasbanaadeen in ay jinaasada ku qabtaan badda oo kadibna ay maydka ku tuuraan badda dhexdeeda). Ammal Saddaax oo dhalasho ahaan ka soo jeedda koonfurta dalka Yemen oo Usaama Bin Laadin qudhiisu isir ahaan ka soo jeeday ayaa sannadkii 2000 noqotay xaaska Shanaad ee uu guursaday Usaama Bin Laadin uguna dambaysay. Ammal oo markii ay guursatay hoggaamiyahan 43 jirka ahaa da’deedu ahayd 18 sano oo keliya waxaa Yemen ka guuriyey rag uu Usaama u soo dirtay gabadh, kadibna waxa ay u kaxeeyeen dalka Pakistan oo ay uga sii gudbiyeen dhinaca Afghanistan. Dadka qoyskan u dhuun daloolayna waxa ay sheegaan in ay ahayd gabadh diinta aad ugu adag, Usaama bin Laadinna aad ugu qancay, kana door biday dumarkii kale ee markaas uu qabay oo dhan. Inta la og yahay waxa ay u dhashay, Safiya oo ah gabadh yar oo dhalatay maalmo yar uun ka hor weerarradii 2001da, laakiin lama garanayo in ay jiraan carruur kale oo ay Ammal u dhashay in kasta oo la og yahay in Usaama uu ifka kaga tegey carruur ka badan 20, oo mid ka mid ahi uu ku dhintay isla weerarkaas aabihii lagu dilay. Carruurtaas dhammaantood iyo hooyooyinkood oo ay ku jirto Ammal waxa ay hadda ku nool yihiin dalka Sucuudiga oo ay si caadiya uga mid yihiin qoyska ballaadhan ee reer Bin Laadin oo leh shirkadda qandaraasyada dhismaha ee ugu weyn dalka Sucuudiga.