Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 9aad)

0
640

Ma ay u arkaynba in uu yahay farriin u baahan in inta aanu madaxweynuhu ku hadlin la soo mariyo xafiiska amniga Qaranka si loo hubiyo loona soo ansixiyo” Si aanu hadalkaas uga soo noqon dareen ama arrin si uun u dhaawici karta amniga qaranka waana sida inta badan la yeelo, marka madaxweynaha Maraykan uu sheegayo wararka amniga la xidhiidha.

ddddd

Sida dad badan oo dhegeystayba ay dareemeen hadalka Obama uu jeediyey habeenkaas markii uu sheegayey dilka Usaama, waxa uu ahaa hadal aan si qurux badan loo soo diyaarin, gaar ahaan marka la barbar dhigo khudbadaha sida aadka u heer sarreeya looga shaqeeyo diyaarintooda ee madaxweynayaasha Maryakanku jeediyaan. Madaxweyne Obama La-taliyeyaashiisu waxa ay u arkayeen in khudbaddani ay noqoto mid siyaasi ah oo aan loo tixgelin xaqiiqadeeda ah in ay tahay khudbad amni, si aanay ugu baahan ansixinta xafiiska Amniga Qaranka oo ay tahay in uu eego oo hubiyo erey kasta oo amniga la xidhidha oo uu madaxweynuhu dadka u sheegayo.

Hadalladan uu madaxweynuhu iskii u diyaarsaday isaga oo jebinaya baratokoolkii lagu yaqaannay khudbadaha madaxweyneyaasha, iyo farriinta qaldan ee uu sheegay ayaa maalmihii xigay dilka Usaama su’aalo badan iyo doodo murankoodu adkaaday ka dhaliyey Maraykanka iyo guud ahaanba dunida.

Obama waxa uu sheegay in maamulkiisu uu bishii Siddeedaad ee sannadkii hore ogaaday in Usaama Bin Laadin uu Baakistaan joogay, taas oo markiiba abuurto cabsi ah in sirdoonno kale ogaan karaan xaqiiqda ah in Maraykanka ay ciddii xilligaas la xidhiidhi jirtay safaaraddooda Baakistaan siisay xogtan Usaama Bin Laadin. Masuuliyiin badan oo ka mid ah CIA ayaa iyaguna si cad ugu doodayey in hadalka Obama uu si gaar ah u tilmaamayey dhacdooyin muhiim ah oo sirdoon ahaan in la sheegaa ay qalad ahayd, sida in uu fashiliyey in uu jiro ruux u soo warramay.

Hadalladan uu Obama jeediyey waxa ay sirdoonka CIA ku kallifeen in uu abuuro sheeko cusub oo ka duwan tii ay marka hore isku ogaayeen sirdoonka Baakistaan ee ahayd in Usaama ay diyaaradaha Is-wada ee Maraykanku ku dileen buuraha Afgaanistaan. Sheekada cusubi waxa ay ku andacoonaysay in baadhayaasha iyo xeeldherayaasha garaadka badan ee CIA ay daaha ka rogeen shabakad dad ah oo dhambaallada la xidhiidha awaamiirta hawlgallada u kala qaadi jirtay Bin Laadin iyo Al-Qaacida hoggaamiyeyaasheeda jooga aagga dagaalka.

Obama waxa uu sidoo kale khudbaddiisan degdegga ah ku ammaanay Koox yar oo Maraykan ah (Ciidamadadii Maraykanka ee galay guriga Usaama deggenaa oo uu sheegay in ay aad u tiro yaraayeen), waxa aanu sheegay in kooxdani ay si taxaddar leh isaga ilaalisay in dad rayid ahi wax ku noqdaan hawlgalkan; “Markii dagaal rasaas ahi uu ka hor yimi, waxa ay dileen Usaama Bin Laadin waxa aanay gacanta ku dhigeen maydkiisii” ayaa uu yidhi madaxweynuhu. Hadalkiisaasina waxa uu saraakiisha CIA iyo milateriga Maraykanka qasab kaga dhigay in ay laba arrimood oo kale faahfaahin ka bixiyaan, si aanu hadalkaas madow u gelin, ta koowaad waa in ay dadka u sharraxaan dagaalka ay ciidamadoodu ka galeen guriga Usaama gudihiisa oo sida aynu horeba u soo sheegnay ahaa been cad, laakiin hadalkan madaxweynuhu ku qasbayo in iska hor-imaad dhacay ay sheegaan, sidoo kale waa in ay dadka u sheegaan sida loola macaamilay iyo halka uu ku dambeeyey maydka Usaama Bin Laadin ee uu Obama sheegay in ay qaateen.

Obama hadalkiisii wax kharribay halkaas kuma uu joogsan, balse waxa uu sidoo kale khudbaddan ku daray ammaan uu dalka Baakistaan u jeediyey, “Waxaa iyaduna muhiim ah in la’ ogaado in iskaashiga aanu Baakistaan ka leenahay arrimaha argagaxisadu uu yahay ka nagu hoggaamiyey Bin Laadin iyo kaamboolkan uu isku qarinayey” ayaa uu yidhi Obama.

Hadalkaasi waxa uu khatar amni iyo sumcadeedba geliyey taliyihii Milateriga Baakistaan Janaraal Kayani iyo Taliyihii sirdoonka ISI ee Baakistaan Janaraal Baasha oo ahaa labada nin ee Iskaashigooda la’aantood aanay Maraykanka u suurtogasheen in uu dilo Usaama Bin Laadin, isla markaana heshiiska iyo shuruudaha adag la galay Maraykanka. Markiiba waxaa masuuliyiinta sare ee Maraykanka soo dhex galay khilaaf iyo dood la xidhiidha qodobkaas ugu dambeeyey ee Obama ka yidhi iskaashiga Maraykanka iyo Baakistaan, waayo waxaa soo baxday in Madaxweyne Obama hadalkiisa laga dhadhansanayey in labadan Janaraal ee reer Baakistaan ay la shaqeeyeen Maraykanka.

Arrintan culayskeeda Guriga Cad qudhiisu markii dambe waa uu dareemay, waana uu ka garaabay, sidaa awgeed waxa uu ku qasbanaaday in uu xal keeno oo uu hadalka madaxweynaha si dadban u buriyo, haddana aanu beenin. Xalkaas oo noqday in la iska dhego-mariyo hadalka Obama yidhi, qof kasta oo masuuliyiinta Maraykan ka mid ah oo warbaahinta la hadlana waxaa amar lagu siiyey in uu ku adkaysto in Baakistaaniyiintu aanay wax kaalin iyo gacan ah ku lahayn dilka Usaama Bin Laadin.

Arrimahani waxa ay abuureen dareen kale oo aad ugu muuqday dadka sida maskaxda furan u lafa gurayey dhacdada iyo raadadkeeda, kaas oo ah in hadalka Obama laga dhadhansaday in uu si cad u muujinayo in isaga iyo la-taliyeyaashiisu aanay si hubaanti ah u ogeyn, in Bin Laadin uu marka horeba joogay Abbottabad, balse ay ku socdeen uun war sheegaya, ‘Suurtogalnimada ah in Usaama uu joogo’ marka ay sidaas tahayna waxaa jawaab u baahatay doodda ah sidee ay ciidanka guriga galay ku garteen in qofka ay dileen uu ahaa Usaama Bin Laadin oo run ah? La soco…..