Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali… (Qaybta 8aad)

0
470

DDDDDUsaama waxa uu ahaa nin da’ ah, xanuunsanaya, aan hubaysnayn, muddana ku dhex caajisnaa gurigan xabsiga looga dhigay oo aan waxba kala socon bannaanka fog iyo waxa socda, sidaa awgeed Maraykanku waa uu qaban karayey.

***

Isla markii uu hawlgalka Maraykanku dhammaaday, ee la xaqiijiyey dilka Usaama Bin Laadin, muran iyo dood adag ayaa ka dhex qarxay masuuliyiinta Guriga Cad ee Maraykanka. Waxa uu qorshuhu ahaa in maydka Usaama Bin Laadin loo qaado dalka Afgaanistaan, sidii ayaana la yeelay, oo heshiiskii sirdoonka Baakistaan la galay sirdoonka Maraykanka ayaa ahaa in maydka lagu aaso Afgaanistaan isla markaana dunida loo sheego in Usaama Bin Laadin lagu dilay gudaha dalka Afgaanistaan. Haddii ay fushay qaybtii koowaad ee heshiiskan ee dhigaysay in maydka la geeyo Afgaanistaan qaybta labaad Maraykanku ma’ uu fulin.

Waxa ay doodda timid noqotay, ‘Ma in Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ilaaliyo heshiiskii CIA ay la gashay Kayani iyo Baasha ayaa sax ah, ooo haddii ay sidaas tahay waxa qasab ah in toddobaad ama ka badan kadib, uu Maraykanku ku dhawaaqo in diyaaradaha aan duuliyaha lahayni ay Usaama Bin Laadin ku dileen buurraha Afgaanistaan, mise waxaa loo baahan yahay in wacadkii Baakistaan lala galay laga baxo oo isla markiiba uu Obaama si rasmi ah dadka ugu sheego waxa dhacay iyo dilka Sheekh Usaama Bin Laadin.

Obama iyo ragga dhankiisa ka soo jeedaa waxa ay ku adkaysanayeen in ay ka baxaan wacadkii ay CIA la gashay Baakistaan oo uu madaxweynuhu isla markaaba ku dhawaaqo dilka Usaama Bin Laadin, isaga oo weliba runta ka sheegaya halka lagu dilay. Obama iyo garabkiisu dooddooda waxa ay ku xoojinayeen xaqiiqada dhacday ee ah in diyaarad nooca Qummaatiga u kaca ah oo Maraykanku leeyahay ay ku dhacday gidaarka deyrka guriga uu deggenaa Usaama, sidaa awgeed qaraxa iyo ololka ka kacay diyaaraddaas oo meel sare gaadhay, meel fogna laga soo arkayey maadaama oo sida aynu hore u soo sheegnay laydka magaalada Abbottabad oo dhan la demiyey in cid kastaa marka uu waagu beryo iman doonto goobtan isna weydiinayso waxa dhacay, sidaa awgeed warkii oo aanu weli Maraykanku sheegin meelo kale laga ogaanayo.

La taliyeyaasha Obama ee fikirkan taageersanaa waxa kale oo ay ku doodayeen suurtogalnimada in sirdoonka Baakistaan qudhiisuna uu ka baxo wacadii qarinta ahaa oo uu arrinta uga warramo si aanu Maraykanku doonayn, taasina ay hadhow daciifinayso warka uu Maraykanku ka dabakeeno.

Obama iyo raggiisii sidii ay rabeen ayaa ay ku adkaysteen oo durbadiiba Madaxweyne Obama ayaa xitaa warka sheegistiisa uga dheereeyey masuuliyiinta wasaaradda Difaaca ee Maraykanka ee hawlgalka fulintiisa lahaa. Sababta Guriga Cad uga dheeraynayey wasaaradda difaaca qudheeda ayaa ahayd shaki ku kala dhex jiray wasaaradda difaaca iyo guriga cad oo la xidhiidha sida loo sheegayo warka.

Madaxda Guriga Cad ee Obama iyo La-taliyeyaashiisu ugu horreeyaan waxa ay qabeen cabsi ah in wasaaradda difaacu ay warkan u sheegto qaab xirfaddooda waafaqsan oo ay ka dhalato in uu saamayn siyaasiya yeelan waayo, balse loo arko uun arrin milateri oo Maraykanku gaadhay, waxa ay qabeen baqdin ah in warka dilka Usaama uu yeelan waayo muhiimadda siyaasiga ah ee ay doonayeen oo ay ugu horreysay in madaxweynuhu uu ka dhigto guul uu doorashada labaad codad ku helo. Si kastaba ha ahaato ee arrintan ku degdegista sheegidda warka dilka Usaama waxaa si adag uga soo horjeeday masuuliyiin fara badan oo uu ugu sarreeyo wasiirkii difaaca ee xilligaas Robert Gates.

Wasiirka difaacu si badheedh ah aya uu aragtidiisa liddiga ku ah aragtida Obama iyo saaxiibbadii u dhiibtay, waxa aanu ku adkaystay in la dhowro heshiiskii arrintan la xidhiidhay ee uu Maraykanku la galay Baakistaan. Buuggiisa xusuus qorka ee uu u bixiyey, ‘Duty’ Robert Gates ma’ uu qarsan cadhadiisa arrintan la xidhiidha. Bill Gates waxa uu buuggiisa Waajibaad ku yidhi, “Intii aannaan xaaladdaba ka faro-xalan ayaa uu madaxweynuhu dabaqa sare fuulay, si uu dadka Maraykan ugu sheego waxa markaas uu dhacay. Waxa aan qof kasta (Oo qolka la joogay) xasuusiyey in xeeladaha, farsamooyinka iyo hannaanka ay ciidamada SEALS u isticmaaleen hawlgalka Bin Laadin ay yihiin kuwo habeen kasta ay ka isticmaalaan dalka Afgaanistaan. Sidaa awgeed waxaa muhiim aada ah in aynu isku waafaqno in aynaan sheegin wax faahfaahin ah oo la xidhiidha qaabka uu weerarku u dhacay. Waxa keliya ee aynu u baahannay in aynu dadka u sheegnaa waa in aynu dilnay (Usaama). Dhammaan dadkii fadhiyey qolku (Qolkii ay madaxda Maraykanku kala socdeen hab-socodka weerarka lagu dilayey Usaama) waa ay igu waafaqeen in ay sax tahay in afkayaga aanu ka haysanno tafaasiisha weerarka. Laakiin ballantaasi shan saac kadib ma’ay shaqaynn. Sirtii ugu horreysayba waxaa fakiyey Guriga Cad iyo CIA. Waa ay sugi kari waayeen oo ay iska hayn kari waayeen in ay faanaan oo ay guulo sheegtaan. Xaqiiqooyinka badankooduna waa ay qaldanaayeen…  Si kastaba ha ahaato ee warkii dibadda ayaa uu u soo wada baxay. Anigu aad ayaa aan uga cadhooday, mar ayaa aan La-taliyaha amniga qaranka Tom ku idhi, “Maxaa ay dadkani (Madaxda Guriga Cad) la aamusi kari waayeen” Laakiin hadalkaygaasi macno ma’ uu yeelan”

***

Marka aynu ka nimaadno hadalkaas uu xoghayihii difaaca ee Maraykanka ku sheegay buuggiisa xusuus qorka oo laga dareemayo in uu ka xumaa sida qolyaha siyaasadda ee Guriga Cadi u maamuleen sheegista warkan iyo wacadkii lagaga baxay Baakistaan, waxaa isna arrintan sii iftiiminaya sarkaalka hawlgabka ahaa ee u warramayey qoraaga, oo yidhi; “Hadalka uu Obama habeenkii jeediyey, waxa uu ahaa hadal si kedis ah degdeg loogu diyaariyey, waayo la-taliyeyaashiisu waxa ay u arkayeen in uu yahay hadal siyaasi ah. Ma ay u arkaynba in uu yahay farriin u baahan in inta aanu madaxweynuhu ku hadlin la soo mariyo xafiiska amniga Qaranka si loo hubiyo loona soo ansixiyo” Si aanu hadalkaas uga soo noqon dareen ama arrin si uun u dhaawici karta amniga qaranka waana sida inta badan la yeelo, marka madaxweynaha Maraykan uu sheegayo wararka amniga la xidhiidha. La soco…