Sarkaalka hawlgabka ahi waxa uu sheegay in xidhiidhkaas Maraykanka iyo Baakistaan uu mar dambe dib u soo noqday, gaar ahaan afar sano oo kala shaki ah kadib, iyada oo weliba markan dambe ay Baakistaan dabada ka wadday in uu xidhiidhku dib u soo noolaado. Waana markii ay ogaadeen in khatata kaga iman karta DAACISH oo dhulkaas lagu arkay ay aad uga weyn tahay cadhada ay ka qaadeen dhacdadii Bin Laadin.
Janaraal Pasha iyo Janaraal Kayaan iyagu hawlgab ayaa ay qaateen, waxa aana la sheegay in labadoodaba ay ku socdaan baadhitaanno la xidhiidha musuq-maasuq dhacay intii ay xilka hayeen.
* * *
Warbixintii ay soo saartay guddidii golaha odayaasha Maraykanku u saaray jidh dilka CIA da lagu eedeeyo, oo soo baxday bishii Diisambar ee sannadkii tegey, ayaa lagu qoray tusaalayaal soo noqnoqday oo muujinaya saraakiil iyo masuuliyiin been sheegay. Tusaale ahaan warbixintan oo muddo faafinteeda marba dib loo dhigayey, waxaa lagu sheegay in jidh dilka iyo ciqaabtii loo geystay Dhambaal-wadihii Bin Laadin ee la sheegay ay ahayd uun iska sheeko aan gunteedu sii qodnayn.
Si kastaba ha ahaato ee warbixintani waxa ay indhaha dunida oo dhan tustay arxan darrada CIA da, weliba waxaa si gaar ah dadka oo dhami uga damqadeen ciqaabta lagu xusay warbixintan ee ah in CIA dadka ay ku ciqaabto qaab ah in qofka oo jawaan ku jira ama madaxu u xidhan yahay biyo lagu furo ama lagu dhex rido iyada oo la moodsiinayo in la qarqoomiyey. Waxaa iyagana la xusay ciqaabaha ay ka midka ahaayeen, tuumbada sanka laga geliyo ee illaa caloosha la wado dadka cuntada diida si qasab loogu quudi, biyaha barafka fadhiya ah ee qofka lagu dhex rido, haddidaada qofka loogu hanjabayo in haddii uu xogta sheegi waayo la kufsanayo ama la khaarajinayaba xubnaha oqyskiisa. Weliba ciqaabtan dambe waxaa aad loogu isticmaalay maxaabiista CIA ay aaminsanayd in ay qarinayaan xog muhiim ah.
Aynu ku noqonno sarkaalkii hawlgabka ahaa, waxa uu ii sheegay in hoggaanka CIA ay xarfaan ku noqdeen marin habaabinta golaha Kongareeska Maraykanka, isaga oo si gaar ah u xusay in warbixintan ay guddida Kongareesku soo diyaariyeenba ay ahayd mid CIA ay sida ay doonto u marin habaabisay. Isaga oo arrintan sii sharraxayana waxa uu yidhi sarkaalkani. “Waxa ay abuureen war iyo macluumaad naxdin leh, waxa ay dadka iyo guddidaba dareensiiyeen in ay ogaadeen ficillo iyo hab-dhaqanno ka qarsoonaa oo bahalnimo ahaa, laakiin marka si run ah loo sii dhadhamiyo falalkan ee haddana la barbar dhigo waxa runta ah ee dhaca, waxaa ay noqonayaan kuwo aan sidaa u sii fool xumayn.
Sarkaalkii sirdoonka ee CIA hawlgabka ka noqday waxa uu ii sheegay in hoggaanka sare CIA ay si xariifnimo ah, arrimo khatar ah uga majaro habaabiyeen guddida Kongareesku diray baadhista. “Waxa ay abuureen qisas qofka caadiga ahi marka uu maqlo aad uga naxayo oo arxan darro iyo ciqaab xun u arkayo, laakiin aan sidaa u sii xumayn marka loo eego kuwa dhab ahaan ay sameeyaan. Waxa ay guddida siiyeen xogo iyo caddaymo u eeg kuwo aad u xanuun badan oo qarsoonaa. Markaasaa guddida daacadda ahi iska odhanaysay, ‘Alla xumminaa, maxaabiista cuntada diida ma tuumbo xagga dambe laga geliyey ayaa aynu cuntada ka siinaynay’ laakiin runtu waxa ay tahay in guddida laga qariyey xogo intaas ka sii khatar badan, tusaale ahaan guddida Kongareeska ee baadhista wadday, looma sheegin dhagarihii iyo dilkii, dembiyadii dagaal ee Maraykanku geystay, iyo xabsiyada qarsoodiiga ahaa ee Maraykanku uu dadka ku xidhi jiray kadibna sida uu doono ula dhaqmi jiray maxaabiistaas. Sida xabsiga illaa imikaba jira e Diego Garcia oo ay sirdoonka Maraykanku doonayeen in uu ahaado qarsoodi ay weligiiba hadba cidda ay rabaan sharci la’aan ku hayaan. Waana ay ku guulaysteen qorshahoodaas oo warbixintan iyo baadhitaanno badan oo kalaba waa ay ka indho saabeen jasiiraddan iyo waxa gudaheeda uu Maraykanku ka sameeyaba. La soco……