Dilkii Usaama Bin Laadin: Buug Daaha Ka Rogaya Runtii Uu Maamulka Obama Qariyey Kamaal A. Cali (4)

0
642

Markiiba ISI waxa ay qaadata ydareen ah in magacyada saraakiisheeda Maraykan joogay laga helay sirdoonka Maraykanka oo si badheedh ah ugu dusiyey wargeyska New York Times, imika ayaana ay ka aargoosanaysay. Laakiin Baakistan arrintaas waxaa u wehelinayey sabab kale oo muhiim ah, taas oo uu sheegay sarkaalka hawlgabka ka noqday sirdoonka ee u warramay qoraaga Buugga. Sirdoonka Baakistaan waxa uu si sir ah u gudbiyey magaca Bank, isaga oo og in marka magacani bannaanka u soo baxo ay CIA dhaqso dalka Baakistaan uga saari doonto Jonathan Bank.

1

Sirdoonka Baakistaan waxa uu doonayey in haddii marka la dilo Usaama Bin Laadin ee Maraykanku dantiisa uu gaadho uu si qarsoodi ah u fashiliyo sirta ah in Baakistaan ay kala shaqaysay dilka Usaama, uu sirdoonka Baaksitaan u diyaarsado jawaabta oo ah in markii Baakistaan ay ogaatay basaaskii Maraykan ee Bank oo arrintan dilka Sheekh Usaama ku lug lahaa, magaciisiina ay sheegeen, uu Maraykankuna ku andacooday in ay dilka kala shaqeeyaysay Baakistan si uu aargoosi uga dhigto.

Sida caadiga ah saraakiisha jooga jagada xoghayaha sirdoonka ee safaaradda, sida Jonathan Bank oo kale, waa la qariyaa oo xitaa dalka ay ka shaqaynayaan waxaa loogu sheegaa in ay ka mid yihiin uun hawlwadeennada diblumaasiyadeed ee safaaradda, sidaas oo kale ayaa uu Janothan Bank qudhiisuna si qarsoodi ah safaaradda uga dhex waday hawlaha CIA, xitaa markii sirdoonka Baakistaan ogaaday ee wada shaqayntu dhex martay, laakiin waxa uu warkiisu bannaanka u soo baxay bishii Diisambar ee sannadkaas 2010ka markii lagu eedeeyey dembi dil ah oo uu ku soo oogay Kariim Khan oo ahaa warfidiyeen Baakistaani ah oo wiil uu dhalay iyo walaalkii ay ku dhinteen weerar ay qaadday diyaarad kuwa iswada ee Maraykanka ah.

Warkan waxaa faafiyey wargeysyada Baakistan oo magacaabay Jonathen Bank, laakiin magaciisa sidaas warbaahinta loogu baahiyaa waxa ay burinaysay baratoolka caalamiga ah ee diblumaasiyadda waxa aanay ahayd gef diblumaasiyadeed oo Baaksitaan gashay. Markiiba Bank waxa ay CIA ku amartay in uu dhaqso dalka uga baxo, masuuliyiinta ka sarraysayna waxa ay wakaaladda wararka ee AP u sheegeen in sababta looga soo beddelay Baakistaan ay la xidhiidhay ammaankiisa. Wargeyska New York Times, ayaa warbixin uu arrintan ka qoray ku sheegay in uu jiray shaki weyn oo laga qabay in sirdoonka Baakistaan uu kaalin weyn ka ciyaaray soo shaac bixintan  magaca Jonathan Bank oo ay ISI si qarsoodi ah magaciisa ugu sheegtay saxafiga dembiga ku soo oogay Bank. Waxa aana loo malaynayaa in Sirdoonka Baakistaan uu arrintan jawaab uga dhigayey warbixin bil ka hor lagu daabacay isla wargeyska New York Times oo lagu sheegay magacyada saraakiil ka tirsanaa sirdoonka Baaksitaan ee ka hawlgala safaaraddeeda Maraykanka. Iyada oo uu wargeysku sheegay in saraakiisha magacyadaas leh ee reer Baakistaan lagu xidhiidhinayo weerarradii argagaxisada ahaa ee sannadkii 2008da ka dhacay magaalada Mumbaay ee dalka Hindiya.

Markiiba ISI waxa ay qaadatay dareen ah in magacyada saraakiisheeda Maraykan joogay laga helay sirdoonka Maraykanka oo si badheedh ah ugu dusiyey wargeyska New York Times, imika ayaana ay ka aargoosanaysay. Laakiin Baakistan arrintaas waxaa u wehelinayey sabab kale oo muhiim ah, taas oo uu sheegay sarkaalka hawlgabka ka noqday sirdoonka ee u warramay qoraaga Buugga. Sirdoonka Baakistaan waxa uu si sir ah u gudbiyey magaca Bank, isaga oo og in marka magacani bannaanka u soo baxo ay CIA dhaqso dalka Baakistaan uga saari doonto Jonathan Bank.

Sirdoonka Baakistaan waxa uu doonayey in haddii marka la dilo Usaama Bin Laadin ee Maraykanku dantiisa uu gaadho uu si qarsoodi ah u fashiliyo sirta ah in Baakistaan ay kala shaqaysay dilka Usaama, uu sirdoonka Baaksitaan u diyaarsado jawaabta oo ah in markii Baakistaan ay ogaatay basaaskii Maraykan ee Bank oo arrintan dilka Sheekh Usaama ku lug lahaa, magaciisiina ay sheegeen, uu Maraykankuna ku andacooday in ay dilka kala shaqeeyaysay Baakistan si uu aargoosi uga dhigto. Gorgortankii sirdoonka Maraykanka iyo CIA oo sii socday ayaa aakhirkii gaadhay Maraykanku uu xakameeyo cabsida Baakistaaniyiintu ay qabeen, laguna qanciyey in ay la shaqeeyaan sirdoonka  Maryakanka si ay wada jir ugu diyaariyaan hawlgalka tallaabada laga qaadayo Usaama Bin Laadin, laakiin ogolaanshiyahaas sirdoonka ISI ay ogolaadeen in Maraykanka ay kala shaqeeyaan wax ka qabashada Usaama waxaa ku ladhnaa laba shardi oo uu Janaraal Kayaani ku xidhay:

– In hawlgalku aanu noqon mid aad u weyn. Oo ay Maraykanku soo diraan ciidan kooban oo si sanqadh la’aan ah ku soo gala hawlgalkanna dhaqso u fuliya.

– Shardiga labaad ee janaraalku keenay waxa uu ahaa in aan Usaama la qaban oo aanay Maraykanku nolol ku qaadan ee ay halkiisa ku dilaan.

Sida uu sarkaalkan hawlgabka ahi sheegay Janaraal Kayaani waxa uu masuuliyiinta CIA u sheegay in haddii aanay labadaa shardi ka soo baxayn aanu isna galayn heshiiska ah wada shaqayn dhex marta CIA iyo ISI oo ku aaddaan Usaama.

Marka aynu dhinaca Washington ku noqonno, weli madaxweynaha Maraykanku ma’ uu haynin wax ku dhiirrigeliya in uu gurigan weerar ku qaado. Dhinaca kalana, maadaama oo Afartiisii sano ee madaxtinimada ee hore sii dhammaanayeen, doonayeyna in uu doorashada labaad ka qayb galo si uu xilli labaad u sii hayo xilka, waxa uu ku qasbanaa in uu taxaddaro. Markii warkan loo sheegayba waxaa maskaxdiisa dhakhso ugu soo dhacay hawlgalkii Milateri ee Maraykanku uu sannadkii 1980kii isku dayey in uu cudud milateri ku soo furto dadkiisii afduubka loogu qabsaday Iiraan, balse diyaaraddii hawlgalkan loo diray oo ahayd nooca qummaatiga u kacaa ay soo dhacday, ciddii saarnaydna ku dhinteen.

Obama waxa uu xasuusnaa in dhacdadaasi ay sabab u ahayd in madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas Jimmy Carter oo isla xisbiga Obama ee dimuqraaddiga ka soo jeeday uu dhacay doorashadii madaxtinimada ee uu doonayey in uu mar labaad kursiga ku soo noqdo. Waxa aana si fududna uga adkaaday ninkii ka soo horjeeday ee murashaxa Jamhuuriga Ronald Reagan oo madaxweyne noqday. Hoos u dhaca shacbiyadda Jimmy Carter waxaa loo aaneeyey fashilaadda dawladdiisa ka raacday hawlgalkaas isku dayga soo samato bixinta dadkaa Iiraan lagu afduubay. Obama waxa uu ka cabsaday in sidaas Carter oo kale, isagana xilliga labaad ee uu damacsan yahay ay arrintani sahayato.

Yaa weli huba in Usaama uu gurigan ku jiro? Ma laga yaabaa in sheekada oo dhami tahay dhagar ay sirdoonka Baakistaan inoo maleegayaan? Haddiiba aynu hawlgalkaas ku fashilanno cawaaqibka siyaasadeed ee ka dhalan doonaa intee ayaa ay wax ina yeeli karaa? Su’aalahan ayaa uu Obama u baahnaa in weerarka ka hor uu jawaab shaafi ah u helo.

Sirdoonka Maraykanka oo sii waday dadaalkii ay ku raadinayeen hubinta cidda gurigan ku jirtaa waxa ay mar kale ku noqdeen taliyihii guud ee Milateriga Baakistaan Janaraal Ashraq Kayaani iyo agaasimaha wakaaladda sirdoonka Baakistaan ee ISI Axmed Baasha, waxa aanay labadan Janaraal fududeeyeen in Dr. Casiis oo sida aynu hore u soo sheegnay ahaa Janaraal Dhakhtar ah oo ka tirsan Milateriga Baakistaan horena u daweeyey Usaama uu ka shaqeeyo sidii uu u soo heli lahaa saambal DNA ga dadka guriga ku jira ah.

Kulan dambe oo haddana dhacay bishii Kowaad (Jeenaweri) 2011kii waaxda hawlgallada gaarka ah ee sirdoonka Maraykanku waxa ay soo diyaariyeen liiska su’aalo ay doonayaan in ay jawaab uga helaan Baakistaaniyiinta, waxa aana ka mid ahaa; “Sidee aanu ku hubin karnaa in inta aanu guriga ku jirno aanay dhabar jebin dibadda nagaga iman? Difaac intee le’eg ayaa gudaha aanu kala kumi karnaa. Jihooyinkee se aanu ka filan karnaa in difaacu naga soo galo? Qolalka Bin Laadin xaggee ay guriga kaga yaallaan, gudahooduna intee uu le’eg yahay? Imisa jaran-jarro dhulka hoose iyo qolkiisa dabaqa sare ah u dhexeeya? Albaabadu ma birbaa, maxaa ay ka samaysan yihiin, intee se adaygoodu yahay?

Si su’aalahan jawaab loogu helo Baakistaaniyiintu waxa ay ogolaadeen in unug afar nin ah oo ka tirsan ciidamada badda ee sida gaarka ah u tababaran oo lagu magacaabo Seal, sarkaal CIA ka tirsan oo xaaladahan khibrad u leh, iyo laba masuul oo ku takhasusay isgaadhsiintu ay ka hawlgalaan gurigii hore qarsoodiga ay CIA ugu kiraysatay, oo hadda la ogeysiiyey Baakistaanta.  La Sosco…..