Diblomaasiyiin Masaari Ah Oo Lagu Afduubay Liibiya

0
673

Shan Diblomaasi oo u dhashey dalka Masar ayaa lagu afduubtey dalka Liibiya kuwaas oo ka shaqaynayay  safaaeradda Masar ku leedahay dalka Libya. Waxaa qafaalkan ka danbeeyey niman aan la garan halka ay u shaqeynayeen ama ka tirsan yihiin.

Ma jirto cid sheegatey in ay afduubteen diblomaasiyiinta, laakiin koox si weyn u abaabulan oo ka jirta dalka Masar ayaa ku hanjabey in ay aargoosanayaan kadib markii la xidhey mid kamid ah hoggaamiyaashooda. Kooxdan ayaa dafirtay oo diidey in ay iyagu ka danbeeyaan afduubka diblomaasiyiinta.

Afduubka loo geysto ajaanibta ayaa ku soo badanaya dalka Liibiya, halka kuwo kalena lagu diley muddooyinkii danbe.

Ciidamada Amaanka ee Liibiya ayaa todobaadkan soo furtey shaqaale u dhashey dalka Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo wakhti sii horeysey la afduubtey.