Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: 2 Boqoradood, Caashaqii Fannaaniita Iyo Qasriga Tumashada

0
967

 2Maanta qormadeennan ‘Dhinaca qarsoon ee nolosha madax dunida caan ka ah’ Waxa aynu ku eegaynaa laba boqoradood oo warkoodu dunida oo dhan ku faafay; midkood waxa ay taariikhda ku gashay, dhaqan xumo, maangaabnimo iyo dhacdhac aan xuduud iyo xakame lahayn, ta’ labaadna waxa ay astaan u noqotay dhowrsoonaanta, anshaxwanaag iyo samofalka. Waxaana yaab leh in labadaas boqoradood ay ka wada tirsanaayeen qoys boqortooyo keliya, laakiin kala waqti ah, midkood waxa ay u dhaxday Suldaan Axmed Fu’aad oo intii u dhexeysay 1917kii illaa 1936kii Masar iyo qaybo badan oo dalka Sudan ka mid ah, u ahaa Suldaan marna boqor, ta kalana waxa ay u dhaxday, Boqor Faaruuqii labaad oo ah wiilka Suldaan Axmed oo ay dhashay boqoraddaas hore, waxa aanu Masar boqortooyo ku xukumayey 16 sano oo u dhexeeyey 1936kii illaa 1952kii, kadib markii uu ka dhaxlay aabihii. Waa boqoraddii la odhan jiray Naasili oo tan iyo dab ka baydhay, ahayd maraado aan tixgelin dhaqan iyo anshax suuban, Suldan Axmed Fu’aad oo 20 sano ka weynaa ayaa uu waalidkeed qasab ugu guuriyey, waxa aanay kaga jawaabtay madax adayg iyo in ay si dadban uga aargoosato, khilaaf iyo isfahmi isu naxariisasho la’aani sees u tahay ayaanay noloshoodii qoysnimo ku dhammaysteen.

Suldaan Axmed shaki aad u badan ayaa uu ka qabay amiiradda da’da yar, sidaa awgeed hinaase joogto ah oo ku jiray ayaa sababay in uu xadkii dhaqan wanaagga ka baxo oo uu si arxan darro ah ula macaamilo, tusaale ahaan waxa uu ka mamnuucay in wejigeeda ay tusto dadka qariibka ah, haddii ay khilaaftana garaacis iyo gacan ka hadal xun ayaa uu kula kici jiray. Marar badan isaga oo hinaase awgii ciqaabaya ayaa uu qol ku xidhi jiray oo ay muddo ku xabbisnaan jirtay carruurteeda yaryarna uu ka qirin jiray. Ka daran ee, inta ay xidhan tahay waxa uuu shaqaale uga dhigi jiray dumar uu isagu saaxiib la’ahaa xidhiidho dhaqan xumo ahna la wadaagi jiray oo xitaa iyadu ay ku ogeyd, isaga oo uga jeeda keliya dullayn iyo in uu kibir jebiyo, oo tuso dhiggeeda oo qaar kaba qurux badan yihiin in uu heli karo. Laakiin gabadh hawl yari isu dhiibta ma’ay ahayn oo iyana aargoosi yaab leh ayaa ay kaga jawaabtay. Waxaana la sheegaa in aanu jirin sarkaal, La’taliye ama ruux kale oo boqorka ka ag dhowaa oo aanay si qarsoodi ah xidhiidh jinsi oo xaaraan ah ula wadaagin, iyada oo doonaysa in ay haybad jebiso suldaanka, dadkana tusto in uu yahay dheg weyn aan xitaa ogaan Karin waxa sariirtiisa dusheeda ka dhacaya.

 Bal ka fikir xaaladda gabadh sidaas duruufaheeda iyo dhaqankeedu ahaa oo uu odaygeedii geeriyooday, xorriyad buuxdana u heshay noloshii ay xiisaynaysay. Nazili sida faras xakamelaga furay ayaa ay dhan walba u orodday, dhaqan xumo iyo xurmo darro kastana ka war keentay. Fadeexaddeedu Masar oo dhan ayaa ay ku faaftay,  xitaa saraakiishii gumaystihii Ingiriis ee Masar joogay ayaan ka qadin khiyaamooyinkeeda dhaqan xumada ah. Waxaa la sheegaa in xitaa markii uu wiilkeeda Faaruuq boqorka noqday ay sii wadday dhaqan xumadii, illaa ay gaadhayba in ay jeclaatay ninkii masuulka ka ahaa qasriga (Wasiirkii qasriga boqortooyada) Axmed Baasha, oo maadaama oo uu xaas lahaa bilowgii ka warwareegay laakiin ku qasbanaaday in uu guursado kadib markii si badheedh dhaqan xumo a ay meel kasta ka sheegtay in ay jeceshahay, taariikhaha qaar waxa ay sheegayaan in uu qarsoodi ku guursaday oo xitaa inankeeda boqorka ahi aanu muddo dheer ogeyn, laakiin waxa ay u badan tahay in uu isagu wasiirkiisa ka codsaday in uu hooyadii guursado, kadib markii uu arkay dhaqankeeda iyo fadeexadaha faafay. Laakiin dhibta heshay waxa ay ahayd in ay ogaatay in wasiirka ay jacaylka u guursatay laftiisuna uu xidhiido jacayl oo qarsoodi ah la’ leeyahay dumar kala duwan oo qaarkood qasriga boqortooyada shaqaale sare ka yihiin. La soco…