Dhiigkarka (6): Sababaha Keena Dhiigkarka, Dhiigkarka Ku Dhaca Carruurta Iyo Sababaha Uu Ku Yimaaddo

0
680

1Hargeysa (Geeska)- Waa qayb kale oo ka mid ah qormadii uu Geeska Afrika ka diyaariyey cudurka dhiigkarka.

Shaybaadhista Dhiigkarka:

1. Saacadda cabbirka: Saacadda cabbirka dhiigkarka oo dadka badankiisu si fiican u garanayaan, ayaa ah hal-beegga ugu horreeya ee lagu garan karo dhiigkarka. Hannaanka ugu fiican ee Saacadda cabbirka dhiigga loo isticmaali karaana waa:

– In marka hore suunkeeda si fiican oo isku siman loogu duubo gacanta inteeda sare (Cududda).

– Waxaa aad muhiim u ah in halka uu suunku gacanta kaga xidhan yahay ay ku beegnaato dherer ahaan wadnaha (Lama dul saarayo ee waa lala simayaa), sidaa awgeed waa sababta ay dad badani u door bidaan in dhinaca bidix lagu xidho si loo qiyaasi karo sida ay ula siman tahay wadnaha, waxaa iyaduna muhiim ah in gacanta la dul saaro barkimo ama shay kale oo aanu qofku isagu kor u haynin ama sii deyn.

– Waxaa muhiim ah in suunka lagu duubayo cududdu uu noqdo mid ballaadhan oo dherer ahaanna ku filan in uu si fiican ugu duubmo cududda, haddii uu cududda ka yaraado waxa uu sababaa in cabbirku uu sheego dhiigkar aan jirin, haddii uu aad u ballaadhan suunkaasina waxa uu sababaa in cabbirku uu si been ah u sheego in dhiiggu aad u hooseeyo.

Fiiro Gaar Ah: In la xaqiijiyo in qofku uu dhiigkar qabaa waxa ay u baahan tahay in cabbiraadda marar kala duwan la sameeyo. Sababahanawaxaaka mid ah in heerka caabbiga wareegga dhiigga ee qofku uu kala duwanaan karo saacadaha kala duwan ee maalinta, tusaale ahaan marka uu qofku ku jiro xaalado culays nafsadeed leh, sida warwarka, sakatiga, walaaca, diiqadda iyo qulubka, sidoo kale cabbirka dhiiggu isku mid ma noqdo marka uu qofku dhowaantaas wax soo cunay. Maadaama oo xaaladahan iyo kuwo kale oo badan oo nolol maalmeedka ku xidhaniay wax ka beddelaan cabbirka dhiigga waxaa qasab noqotay in aan go’aan lagu gaadhi karin in qofku uu dhiigkar qabo illaa waqtiyo kala duwan oo kala gaar ah la cabbiro. Ugu yaraan waa in wiigga dhexdiisa saddex maalmood oo kala duwan la cabbiro. In laga sii badiyaana waxa uun ay sii wanaajinaysaa in xaqiijinta dhiigkarka, waayo qofka waxaa la siin doonaa dawo uu noloshiisa oo dhan cuno, sidaa awgeed shaybaadhkan dawadaa ku waajibin doona waa in runnimadiisa la hubiyaa.

Si kastaba ha ahaato ee haddii uu dhiiggu aad u sarreeyo, ama unugyada nolosha ee qofka midkood dhibaato qabo, sida wadnaha, kelyaha, maskaxda iyo indhaha, waa in qofka sida ugu dhaqsaha badan dawada loogu bilaabo oo aan la’ la sugin shaybaadhka si dhiigga dhaqso loo dejiyana la siiyo dawooyinka dhiigkarka dejiya ee qofka ku habboon.

2. Shaybaadho dheeraad ah:

Waa run in cabbirka wareegga dhiiggu uu aasaasi u yahay in la ogaado xaaladda dhiigkar ee qofka, balse waxaa iyaduna xusid mudan in aanu cabbirkaasi noqonayn waxa ugu dambeeya ee uu dhakhtarku ku go’aansan karo in uu qofku dhiigkar leeyahay. Waxaa jira shaybaadho dheeraad ah aadna u muhiim ah oo ah kuwan hoos ku taxan:

– Shabyaadh kaadida ah: Sababaha ay dhakhaatiirtu hoosta ka xariiqeen in ay keeni karaan in cabbirka dhiiggu inta dabiiciga ah ka sarreeyo waxaa ka mid  ah, dufanka (Kalastaroolka) iyo in maadadda Potassium ay jidhka ku badato, sidoo kale waxaa keeni kara macaanka dhiigga, caabuq qofka meel uun ka mid ah ka haya, shaqada kelyaha oo cilladi ku jirto. Iwm.

– Tijaabo lagu qiyaasayo xaaladda nafsiga ah: Inta badan dadka lagu arko in dhiigkarkoodu uu ku taagan yahay xuduudka dhiigkarka rasmiga ahi ka bilowdo, tusaale ahaan dhiiggooda sare noqdo inta u dhexeysa 120 illaa 139, dhiiggooda hoosana noqdo 80 illaa 89 waxaa fiican in dhakhtarku uu ku sameeyo shaybaadh dhinaca nafsaddaah. Waayo inta badan xaaladdan oo kale waxa lagu gartaa shaqo badan oo xoog u baahan oo qofka ku dhacda, tijaabo lagu sameeyo wadnuhu sida uu uga jawaabayo shaqada jidheed ee qofka ku korodha, tusaale ahaan sida uu dhiiggiisu u kaco marka uu jimicsiga samaynayo iyo xaaladda nafsiga ah ee qofka oo duruufaha warwarka iyo qulubku ugu horreeyaan. Arrimahaas ayaa dhammaantood sababi kara in dhiiggu ka kaco inta caadiga ah.