The law helps people achieve their goals, and protects people from each other and from the state”
“Sharcigu waxa uu u suurtageliya dadka inay himilooyinkooda gaadhaan, dadkana waa kala illaaliyaa, dawladdana waa ka illaaliyaa”
Sannadkii 1995 aniga oo joogaa magaalada Djibouti, ayaa waxa noo sheekeeyay Mareeyihii Huteelka Sheraton Djibouti oo ay waqtigaas ay lahayd dawladdu, ayaa sheekadii noogu bilaabay, “Waxa dhowaan ku soo degay huteelkan [Sheraton] nin maalqabeen ah oo waddanka Kuuriyada Konfureed (South Korea) ka socda. Ninkaasi waxa uu ii sheegay inuu sharkado badan uu u wakiil yahay oo uu u raadinayo meelo uu maalgeliyo, Ninkaas aad ayaan u soo dhoweeyey,” buu yidhi Maareeyihii Hotel Sheraton, waxanu intaa ku daray, “Waxan uga sheekeeyey oo u amaanay Dalkan Jamhuuriyadda Djibouti, in dalku uu leeyahay Dekad iyo Garoon diyaaradood oo casri ah iyo suuq ganacsi oo xor. Ninkii Reer Kuuriya oo dhawr casho joogay, ayaan la kulmay habeenkii uu tegayey oo aan warraystay, waxanu ii sheegay in aanu wax maalgelin ah ku samayn doonin Djibouti, kuna dhiirrigelin doonin sharkadaha uu wakiilka ka yahay. Aniguna waxaanu u sheegay in dalkan 80 sannadood ay Dawladda Faransiiska haysatay, waxa uu iigu jawaabay, ‘Sidaas darteed, waxan la kulmay dadkii Faransiiska ahaa ee degganaa dalkan Djibouti, waxanan waydiiyey waxay maalgashi igu samayn waayeen dalkan ay muddadaas dheer ay joogeen? Balse, waxay ii sheegeen in ay maalgashiga qudha ay ku sameeyeen uu yahay dekadda oo ciidanka badda ee Faransiis joogo iyo garoonka diyaaradaha oo Ciidanka Cirka ee Faraansiis deggan yahay.
Labada meelood oo keliya ayaan maalgelinay, sababta oo ah magaaladan haddaad debadda uga baxdo waxa deggan dad aan Sharci ku noolayn oo aan aaminsanayn lahaanshaha gaar ahaaneed oo kugu qabsanaya wixii aad samayso Sharci kasta haddii aad sidato, sidaas darteed haddii aad raadinayso meel aad maalgashato dalka jaarka ah ee Itoobiya qabo,’ ayuu igu qanciyey Ninkii Kuuriyaanka ahaa,” ayuu yidhi Mareeyihii Huteelka Sheraton Djibouti.
Qoladayadii reer Soomaaliya ee qaxootida ah waa ku qanacnay sheekadii, annaga oo ka soo qaxnay guryahyagii, beerahayagii iyo maal iyo mood wixii aan lahayn oo dad kale iska qabsadeen. Waxa aynu ka warhaynaa shirkadihii shidaalka ka baadhayey Somaliland ee Dawladdu sharciga siisay sida loogu qabsaday dhul qarfa ah oo cidla oo aan la degganayn, dabadeedna ay iskaga huleeleen.
Sidoo kale, shirkadahii buuraha cidlada ah macdanta ka baadhayey, ayaa iyakana lagu qabsaday oo laga sheegtay iyaga oo sharci heshiis ah wata, kuwaasina waa guureen. Kuwa waddaniyiin ah ee rabay inay waershado samaystaan ciidii Illaahay meesha dhigay ayaa laga sheegtay oo loo diiday. Dhulkii seeraha ahaan jiray in dib loo xidho waa la diiday. War bal amuurtan kaalay. Hadda waxa laga faaloonayaa oo loo botorinayaa shirkado soo hawaystay inay maalgashi ku samaeeyaan Dekadda Berbera. Xaggee marka loo kacayaa? Dadka Somaaliyeed meel kasta ay joogaan waa xoola dhaqato, xoolaha ninkii xoog leh ee tol badan ayaa dhaca. Ma jiro lahaansho gar ahaaneed iyo sharci sidaas qeexayaa. Tii ayaan magaalo iyo dawlad la nimid. Ma aynaan wada noolan jirin ee Khawaaje ayaa isugu keen keenay magaalooyin uu samaystay magac, dalna ina siiyey. Markuu innaga tegay soddan sanno kadib waa burburinay oo sidii aan u noolan jirnay ee beeliba ay meel degi jirtay ayaan ku noqonay. Hadda ayaa dib dedaal loogu galay in bal sida dadwayga kale ee dunida loo noolaado oo sharci lagu noolaado. Ayaan qaar sheeganaya Madax-dhaqameedyo iyo Barafasooro ayaa ololaynaya in haddana dib loo guuro. Madaxweyne Barack Obama ayaa dhammaadkii sannadkii hore cafis siiyey dad aan sharci degganaasho joogin Dalka Maraykanka. Digriitadaas cafiska ahayd waxay saamaysay oo degganaasho sharci ah siinaysay Shan malyuun oo qof. Dhawr Gobol oo dalka Maraykanka ka mid ah, ayaa dacwad ka furtay Maxkamad Hoose oo ku taal Gobalka Taagsis (Texas). Maxkamadahaas waxay daadifaysay oo waxba kama jiraan ku go’aamisay Digriitadii Madaxweyne Barack Obama. Dawladda iyo Madaxweynaha waxa u furin uun inuu Rafcaan ka qaato go’aanka Maxkamadda, oo uu u qaato Maxkamad ka sarreysa. Xaakinkii hawshiisii ayuu wataa, Maxkamadda Rafcaanka loo qaatay ama way ku raaci ama way jebin xukunkiisa, isaga wax dhibaato ihi ma soo gaadhayso. War bal day, boowe maxaa kuu baxay!!
Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal dhisay sannadkii 1997, markii laga soo doogay ee laga heshiiyey Dagaalkii Sokeeye ee socday 1994 – 1996, ayaa waxay ka codsatay Hay’adihii Ajnebiga ahaa iyo Dawladihii Shisheeyaha, gaar ahaan UNDP inay dhinaca sharci ku xukunka (Rule of Law) ay wax kala qabtaan, taas ayaa keentay in dib loo furo Dugsiga Tababarka Booliska ee Mandheera, Abuuridda Kulliyadda Sharciga iyo Machadka Tababarka Shaqaalaha dhinaca Maamulka Maaraynta iyo Xisaabaadka. Saddexdiiba waa hirgaleen oo maanta waa shaqeeyaan. Labadii Gole ee Xeer-dejinta [Wakiillada iyo Guurtida] ee sannadihii 1993 ilaa 2003, waxay iyana ku guulaysteen inay ansixiyaan Xeerar badan oo maanta dalku ku dhaqmo, haseyeeshee weli fari kama qodna oo wax loo baahan yahay in Xeerar ama Shuruuc badan laga soo dheegto Dastuurka oo la waafajiyo.
Tusaale ahaan, waxa aad looga hadlaa: Guryo, Warshado ay xukuumaddu ku wareejisay muwaadiniin. Waa arrin aad looga murmo. Waxay xukuumaddu ku salaysaa arrintaas qodob Dastuurka ah oo u oggolaanaya xukuumadda inay sidaas ka yeesho Hantida Qaranka haddii ay dan ka aragto
Qodobka 12aad Hantida Guud, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Wax-soo-saarka Wadaniga ah:
1. Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa leh.
2. Daryeelka iyo illaalinta maalka iyo awqaaffa iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana qeexaya Xeer.
3. Xukuumaddu waxay awood u leedahay may yeelato, gacanta ku hayso, hantiguurto ama ma-guurto ah, may iibsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku beddelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan.
4. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda Dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo baadho, loogana faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka. lllaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo Xeer ayaa qeexaya. 5. Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si Xeerka waafaqsan. 6. Dawladdu waxay dhiirrigelinaysaa wax-soo-saarka waddaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka waddaniga ah.
7. Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya Xeer gaar ah.
Dastuurku waxa uu awoodda ku takri-falka Hantida Guud uu siiyay dawladda, waxase uu ku xidhay Xeer. Xeerarkii lama hayo mana jiraan, haseyeeshee, waxa loo baahnaa in ay xukuumaddu ay soo curiso Mashruuc Sharci oo ku saabsan arrintaas oo ay Golayaashu [Wakiillada iyo Guurtidu] ansixiyaan markay ka dooddaan, taas oo Xeer lagu dhaqmo oo tafaftiran oo qeexaya habka loo marayo wareejinta mulkiyadda hantidaas, kaas oo cidina aanay ka hadasheen, lana isku eedeeyeen.
Sannadkii 2002 bishii June oo uu Mudane Daahir Rayaale Kaahin uu Madaxweyne yahay, ayaa Marxuun Axmed Jaamac Bootaan (Daaniye) oo ahaa Wasiirka Wershaduhu u soo qadimay Golaha Wasiirrada qoraal uu ku magcaabay “Privatization Policy for Somaliland.” Qoraalkaas oo uu ugu talagalay in laga curiyo Mashruuc Sharci oo loo gudbiyo Golaha Xeer-dejinta [Wakiillada iyo Guurtida].
Ma garanayo halkii uu ku dambeeyey, aniga oo ka baxay xukuumaddii sannad ka dib, waxanse hayaa nuqul qoraalkaas ah. Waxa jirta in weli loo baahan yahay sharcigaasi, si loo dhiirrigeliyo in ummaddu Sharci ku noolaato oo ku dhaqanto, taas oo mas’uuliyadda kowaad ay iska leedahay Dawladda.