Dharaaro Xusuustood: Prof Gees iyo qormadiisii Qaybtii 19aad

0
950

Picture6“When Going Gets Tough, The Tough Get Going”

“Marka Geedigu Adkaado, Kuwa Adag Baa Wada”

Marxuun Ciggal ayaa sannadkii 1995 ee iska horyimaada ay daba ka riixayso UNISOM iyo Wallaweyntu iyo dal jaar ihi ay ka dhacayeen dalka, martiqaaday marxuun qurbo-joog ah oo ay isku waqti ahaayeen oo Hargeysa boqasho ku yimid.

Marxuunkii ayuu ka codsaday inuu ku soo biiro hawsha dalka oo xukuumadda ka mid noqdo. Marxuunkii waa uu ka cudur-daartay xilkii oo ku yidhi; “Waqtigan Daydaygu meel kasta joogoo xil ma qaban karo oo lama shaqayn karo.” Waxa Marxuun Cigaal ugu jawaabay, “Hebelaw maanta ayaa lagu baahan yahay oo dalka iyo dadku kuu baahan yihiin ee waxa loo baahan yahay cid waayo-aragnimo leh sidaada oo waxa u sheegta dhalinta oo wax u dhista. Marka ay dhisanto ee dhalliyaradu wax barato ee dalku dawladoobo cidi kuuma baahna oo ajnebi ayaa xitaa u soo shaqa tegi doona.” Sidii ayey ku kala tageen saaxiibkii.

Maanta wax aan arkaa Hindi, Pakistan, Yamani, Indhayar, Khawaajayaal iyo Afrikan u soo xoogsi tegay Somaliland-tii laga baxsanayey. Dad kooban oo Rag iyo Dumar leh oo ku kalsoon Dadweynahooda iyo Dalkooda ayaa u dabar-adaygay dhibaatadii oo ka midhadhaliyey oo waataa dalkii istaagay oo tabaagalay.

Dhalintii Daydayga lagu sheegayeyna waa kuwaa garabaha derajada ku sita ee qoorta casaystay ee diyaarka u ah hadh iyo habeen nabadgelyada iyo dadka iyo difaaca dalka oo carruurtoodii jaamacadaha dhammaysatay ama ku jirto. Halka Kumayaal Yamyam iyo Khawaajayaal ihi ay labaataneeyo sanno iyo dheeraad Soomaaliya waxba ka tariwaayeen nabadeeda.

Nin Dawladda Maraykan u ahaan jiray Xeer-illaaliyaha Guud waqtigii Madaxweynaha uu ahaa Richard Nixon ee fadeexaddii Watergate dhacday oo Dadkii loo haysatay ka mid ahaa, ayaa laga haya hadal-hays caan noqday oo uu soo xigtay, kaas oo ahaa; “When going gets tough, the tough get going.” Oo macnaheedu noqonayo, “Marka geedigu adkaado, kuwa adag baa wada.”

Markii Marxuun Cigaal allayastay ayaa waxa Waddanka yimi Wefdi ka soo kicitimay Xamar oo uu hoggaaminayey Marxuun Maxamed Sheekh Cismaan oo xilal badan oo Wasiirnimo ah ka soo qabtay Dawladdii Askarta. Wafdigaas oo rabay inay jinaasada ka soo qaybgalaan, hase yeeshee dib uga dhacay oo markii dembe la dejiyey Hargeysa Club Hotel.

Weftigaas waxa la fadhiistay Guddi Guurtida ah oo uu ka mid ahaa Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), kaas oo wefdigii ayuu ula kala baxay aftahanimadiisii lagu yaqiin oo ku eedeeyey burburkii dalka iyo waxa ay u geysteen Somaliland iyo waxa ay ka sameeyeen koonfur iyo hadda waxa ka socda; dhibtii oo dhan ayuu madax ka saaray oo u xambaarshay Wallaweynta.

Waxa wefdiga ka mid ahaa xubno reer Baydhabo ah, kadibna mid kamid ah ayaa u jawaabay Xaaji Cabdi oo ku yidhi isaga oo sheeko ka sheekeeyey, “Annagu reer Baydhabo ayaanu nahay, haddii cidi naga bukooto ama wax gaadhaan Qur’aan ayaanu saarnaa oo lagu akhriyaa. Haddaba waxa dhacday in nin dhallinyaro ihi uu haruur ka dhergay, deeto calooshii istaagtay oo saxaradii ku joogsatay. Waxa la yidhi Qur’aan ha la saaro oo wadaad ayaa loo keenay. Markuu wadaadkii doonay inuu quraankii ku akhriyo, ayaa ninkii la hadlay oo ku yidhi wadaadkii, Qur’aanka akhrigiisa xagga danbe u badi, xagaas ayaa la iga hayaaye. Sidaa darteed Xaaji Cabdow canaanta ku badi xagga qolada Hawiye xaggaas ayaa nalaka hayaaye.”

Haddaba xagga Qurba-joogta ayaa Somaliland laga haystaa eh, ha loo badiyo waanada iyo wax-u-heegga Xaaji Cabdaw! Saw kuwaa xeego baraf (Ice Hockey) ku dheelay Golihii Wakiillada ee aanay waxba kala socon sidii lagu soo ulkamay iyo geediga dheer ee loo soo maray.