“Only the dead have seen the end of the war”
George Santayana
“Kuwa dintay ayuunba dagaalkii u dhamaaday”
Waxa Somaliland ka jiray waqtigii Isticmaarka, saddex xisbi oo kala ahaa Somali National League (SNL), National United Front (NUF) iyo United Somali Party (USP). SNL iyo NUF waxay ahaayeen Xisbiyo ay leeyihiin beelaha dhexe, USP waxay ahayd Xisbi ay ku bahoobeen beelaha darafyadu. Xisbigii SNL ayaa soo dhoweeyay Xisbigii USP oo ay is-garabsadeen, taas oo sababtay inay 33-kii Kursi ee Golaha Xeer-dejinta ay ka helaan 32-kursi; Xisbigii NUf-na uu helo hal kursi oo keliya.
Haddaba, taageerayaashi Xisbiga NUF ayaa xanaakadiyey Xisbigii darafyada oo waxa ay garaabadii jaadka u bixiyeen USP. Magacaas ayaa aad u hirgalay. Magaalada Berbera ayaa waqtigaas camalaynaysay oo camirnayd oo ahayd magaalo ganacsi oo cid kastaa ku nooshahayd, Hindi,Carab iyo Gaaloba. Hargeysa waaga waxay ahayd tuulo aqallo Soomali u badan.
Marxuun la odhan jiray Xaaji Cawleed oo Reer Boorame ahaa, oo degganaa Berbera, ayaa maalintii dambe Marfash la soo fadhiistay majin jaad ah. Xaaji Cawleed garaabadii ayuu ka saaray majintii, dabadeed waxa u soo hadhay dhawr qori. Nin Marfashka fadhiyey ayaa ku yidhi; “Xaaji majintiiba wax kama soo hadhin.”
Xaajigii waxa uu ku jawaabay, “Haa, walaalkay haddii garaabada laga saaro majinta waxaas ayaa ka soo hadhaya! Isaaqaw haddii USP idinka tagto saw sida majintaas noqon maysaan?”. Xaaji Cawleed hadal-haysyo badan ayuu lahaa.
Markii Askartu dalka qabsatay ayaa Xaajiga lagu yidhi; “Dhallinyaro kacaan ah oo wadanka dhisaysa ayaa dalkii xukunta.” Waxa uu yidhi Xaaji Cawleed; “Dameerka yari waa ka qurux badan yahay Dameerta dhashay inta uu yar yahay; hase yeeshee marka uu koro berdo Dameerkii ayuu noqdaa.”
Waxa aan kaftankaas xusuustay markaan warbaahinta ku arkay, Wafti Madax-dhaqameed Reer Boorame ah oo ka cabanayaa Saami-qaybsiga madaxda iyo shaqaalaha dawladda oo ay u arkaan inay dhan u badan yihiin. Dhankaas oo ah dhinaca Beelaha Dhexe oo sad-bursiinyo ku haysta Dawladda KULMIYE. Tolaw ma KULMIYE iyo NUF ayaa isu ekaaday? Waa yaab eh!
Wasiir Dawladdii Madaxweyne Marxuun Cigaal ka mid ahaa, oo ay aad isugu dhowaayeen oo mudda dheer la soo shaqeeyey, ayaa waxa uu jeclaystay in loo magcaabo Wasiirka Arrimaha Dibbadda. Wasiirku waxa uu ka soo jeeday Beelaha Dhexe ee Somaliland, waxana markaas xilka Wasaaraddaas uu jantay hayey Wasiir ka mid Beelaha darafyada degga.
Habeenkii dambe ayaa casho uu Madaxweyne Cigaal u sameeyey Wasiir-ku-xigeenkii Arrimaha Dibedda ee Itoobiya waqtigaas oo ahaa Mudane Dr Alemu Tekede. Markaas oo ahayd markii ugu horaysay ee uu yimaaddo Hargeysa Wasiir reer Itoobiya ihi. Marxuun Cigaal ayaa sheekeeyey oo yidhi; “Hebelaw, waxa waqti badan iga qaata sida aan isaga illaalinayo qaladaadkii iyo gefafkii ay sameeyeen Madaxda Afrika, markay xoriyadda hantiyeen,” taas oo uu uga jeeday Qabyaaladda iyo Qof-jeclaysiga isaga oo u dardaar werinaya Wasiirkii oo ku leh kaaga qaadi mayo xilka nin Harti .
Bilawgii 1999 bishii Febarwari ayaan wafdi u raacay Madaxweyne Cigaal dalalka Yaman iyo Masar aniga oo markaas ahaa Wasiirka Qorshaynta. Dawladda Yaman ayaan ku heshiinay in Somaliland ay xafiis ka furato Magaalada Sanca. Waxan jeclaystay in xafiiska loo dhiibo nin macalllin ah oo Yaman markaasi ka shaqaynayey muddo dheer oo aanu isku waqti ahayn saaxiibna ahayn. Magaciisii iyo waayo-aragnimadiisii ayaan u gudbiyey Madaxweyne Cigaal, waxa uu i weydiiyey cidda uu yahay macallinku, waxan ku idhi waa nin Reer Gabiilay ah oo Jibriil Abokor ah. Warqadii ayuu igu soo celiyey oo yidhi; “Meesha miyaad Mareexaanynaysaa? Waar ii keen qof Harti ah,” Ayaan-darro ma helin Qof Harti ah oo diyaar u ahaa inuu metilo Somaliland waqtigaas.
Mar dembe aniga oo ah Wasiirka Maaliadda, ayaa maalin laga soo dareeray Shirkii Golaha Wasiirradda waxa ii yeedhay Xoghayihii Madaxweynaha oo ahaa nin Dhallinyaro ah oo la odhan jiray Naasir, waxa aan u imi Madaxweyne Cigaal oo hoos taagan Jaranjarada looga koro gurigiisa, meesha askartu fadhiisato. Waxa uu igu yidhi; “Gees; eri Weli Da’uud.” Indhaha ayaan taag taagay sidii Qof aan garanayn Weli Da’uud. Markaasu ku ceshay haddana “ Weli Da’uud Cigaal, inaadeerkay.” Markaas ayaan ku idhi xil ma hayo ee waa karaani miyaan shaqada ka eryaa? Sidaas ayaannu ku kala tagnay.
Waqti dheer oo aan xilal kala duwan ka soo qabtay Dawladihii Soomaaliya iyo Somaliland-ba waxa aan arkay madaxda Soomaaliyeed oo Qabyaaladda iyo Beelaysiga ka bilawda Dareewalka, Xoghaynta iyo Askariga illaaliya. Muddadaas dheer weli kama dhiganin Xoghayn, Dareewal iyo illaaliye qof aan isku beel nahay.
Waxan xusuustaa in uu naftayda badbaadiyey in badan Dareewal Duduble (Hawiye) ah oo Xamar baabuurka ii waday, markii kacdoonka beelaysani ka bilaabmay. Waxa uu baabuurka ka leexin jiray meelaha khatarta uu ku ogyahay. Marka aan ku celceliyo maxaad waddadan gaaban u mariwayday ayuu iigu jawaabi jiray, “Wasiir waa waddo xun,” isaga oo aan ii sheegayn sababta oo ahayd in meelahaasi uu ka baydhayo ay jabhadda USC ku jirto. Habeenkii dambe waxa meeshii lagu dilay nin Safiir muddo dheer ahaa oo Dhulbahante ah oo la odhan jiray Xuseen Xasan (Badag).
Hab-dhaqanka beelaysiga ah ee madaxda Soomaalidu ku kacdo ayaa ugu weyn waxa sharafta iyo maamuska ka qaada Ha’yadaha xukuumiga ah. Waxa Dadweynuhu Wasaaradahaas ku naanaysaan makhaayadda Reer Hebel. Waagii aynuu reer magaaloobaynay waxa laga bilaabay mehradda magaaladda, makhaayado shaaha lagu kariyo, sidii ayaa ilaa maanta dadka soo-galaytigu ay falaasta shaaha u iibshaan. Sidaa darteed, makhayd walba beel ayaa lahayd. Maalin dhowayd ayaa nin aan Saaxiib nahay nagula ballamay makhaayadda Reer Hebel; markiiba wa naloo sheegay meesha ay ku taallo.
Qarnigii 21aad ayaa la marayaa goorma ayeynu ka kori doonaa Hab-dhaqankan? Mise waa taas oo abadi ah ee ha la iskala dhutiyo. Waa sanka qabso oo kalluunka iska cun. Arrintani waa mid wada saamaysa Xukuumadaha Soomaaliyeed meel kasta iyo waqti kasta ha joogeen eh .Waar ina daaya waa wada qabnaa daawasho iyo ceeb eh!!