Hargeysa (Geeska)-Tahriibka Dhalinyarada reer Somaliland oo Sannadihii ugu dambeeyey dalka ka tahriibisay, ayaa muddooyinkan dambe aad u yaraaday, kadib markii Dawladda Itoobiya ay dhankeeda ka adkaysay, isla markaana xidhay Dhalinyaro badan oo si fudud u dhaafay xadka Somaliland, galayna Itoobiya.
Dhalinyaradan miciin biday inay dalka ka tahriibaan, oo marka hore sharciyo aan jirin ama been abuur ah ka sii samaysta Magaalada Hargeysa, ayaa marka ay galaan Itoobiya, kala kulma in aanay sinaba u dhaafin Xadka Itoobiya, gaar ahaan Jigjiga iyo Wajaale, iyadoo la weydiiyo Su’aalo kala duwan taas oo sababta inay arrimuhu ku adkaadaan.
Qaar ka mid ah Dhalinyarada isku dayey inay tahriibaan, balse ay ku adkaatay inay Itoobiya dhaafan, ayaa qaarkood la xidhay, qaar lacag lagu ganaaxay iyo qaar soo baxsaday, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay, waxay sheegeen in xadku adkaaday.
Ugu horeyn Maxamed Jaamac Cabdillaahi, oo isku dayey inuu tahriibo, laakiin lagu qabtay Itoobiya, ayaa yidhi “Waxaan isku dayey in aan tahriibo, oo aan dalka ka tago, markii aan Wajaale, tagay, ee aan ka gudbay dhinaca Somaliland ee aan u gudbay dhinaca Itoobiya, ayaa waxa la I weydiiyey Musdawaqe, oo waxa la igu yidhi keen Musdawaqahaagii, waxa aan ku idhi ma hayo, markaas waa la I qabtay,xoogaa markii ay I hayeen, ayey igu yidhaahdeen iska noqo, oo waxaad doonaysa inaad tahriibto, laakiin haddii aanu mar dambe ku qabano waanu ku xidhi doonaa, markii ay arintaasi igu dhacday, ayaan dib ugu soo laabtay Hargeysa.”
Cabdifataax Cabdii Ibraahiim oo isna ka mid ah Dhalinyarada isku dayey inay tahriibto, oo isna lagu qabtay Itoobiya, ayaa isaga oo nooga waraamaya marxaladihii uu kala kulmay ayaa yidhi “Go’aan ayaan ku gaadhay in aan Tahriibo, oo aan asxaabtaydii ka daba tago, waxa aan maray Wajaale, marka aan Wajaale joogo, ayaan maqlay in si yar oo fudud looga gudbi karin dhinaca Itoobiya, kadib waxaan u gudbay daantii Itoobiya ee Wajaale, waxa aan arkay dad badan oo sita Musdawaqe sax ah, oo haddana Su’aalo aad u badan la weydiinayo, kadib waxa aan go’aansaday in aan naftayda baxar gelin ee aan dib iskaga soo laabto, waana iska soo laabtay”.
Cabdifataax Cabdii Ibraahiim, oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan maray dhinaca Xarshin, Xarshin ayaan muddo joogay, waan ka gudbay, oo waxaan tagay Jigjiga, markii aan tagay Jigjiga, ayaa la I qabtay waxa la igu yidhi keen Musdawaqe, markii aan ku idhi mahayo, ee waxaan ahaa socoto, ayaa wareysi dheer la ila galay, oo ah dhinaca Deegaanka aan dego, wey ii suurtageli weyday inaan Deegaan ka mid ah Itoobiya, sheegto, halkaas ayaa la igu xidhay, muddo ilaa Saddex bilood ah ayaa la i xidhay, waxaana la igu xukumay inaan bixiyo Lacag Saddex Boqol oo Dollar ah, markii aan Bil iyo Badh aan xidhnaa Lacagtii ganaaxa ahaydna aan bixiyey ayaa la I soo dayey, Wajaale ayaana la I keenay, sidaas ayaana ku imid Caasimadda, Jeelkii la igu xidhayna waxa ku xidhnaa oo ku jiray Dhalinyaro aad u badan oo reer Somaliland ah, oo doonayey inay tahriibaan balse la qabtay”.
Mawliid Axmed Guuleed, oo isna ah Wiil Dhalinyaro ah oo isku dayey inuu tahriibo, balse ay u suutageli waayey Tahriibku ayaa isaga oo nooga waramaya waxyaabaha uu kala kulmay Tahriibka ayaa yidhi “Somaliland si fudud ayaan ku dhaafay, balse meesha aan dhaafi kari waayey waa Itoobiya, oo markii hore Itoobiya, si yar oo fudud ayaa looga tahriibi jiray, balse haddii aad hadda wax aad doonto bixiso lagama yaabana inaad tahriibto, Musdawaqe Foojariya oo aan is idhi ku dhaaf Itoobiya, ayaan Hargeysa ka sameeystay, Xarshin ayaan ka wareegay, oo waxa aan is idhi Wajaale iyo Xarshin, Xarshin ayaa ka fudud ee mar, kadib markii aan Xarshin u gudbay, ayaan uga sii gudbay Harta-Sheekha , waxaana uga sii gudbay Harta-sheekha Jigjiga, markii aan is idhi ka sii baxa Jigjiga ayaa la I qabtay, oo la I xidhay, waxaana xidhnaa ilaa iyo laba bilood, saddex boqol oo dollar oo ganaaxana waa la iga qaaday, Itoobiyana dhab ahaan wey u soo jeedsatay Tahriibkii Dhalinyarada, oo cid dalkeeda sifo sharci daro ah kaga tahriibaysa oo dambe wey adag tahay”.